Soomaalidu Been Ma Maahmaahdaa?
Cabdiraxmaan C. Faarax «Guri Barwaaqo» on on proverbs disproved by life, with reference to the author’s paper of 2007 and his note «Tooxsasho». late 2016; place of publication not named in the text.
Soomaalidu Been Ma Maahmaahdaa?
w/q Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’
Hordhac:
Beryahan dambe waxaa la dareemayaa jiritaanka maahmaaho Soomaaliyeed oo ay ujeeddooyinkoodii wax ka soo noqdeen. Taasi oo runtii haddii lagu qanco lagu dhiirran karo in laga warceliyo weydiintaasi kor ku xusan.
Arrinku si kastaba ha ahaadee, waxaan qoraalkan kooban ku eegi doonaa dhawr maahmaahood oo Soomaaliyeed oo uu Dr. Goorgi Kaabjitis (Georgi Kapchitis) dhowaan dareen gaar ka muujiyey. Aniga oo raacin doona sida ay aragtiyahaasi isu soo tarayaan.
Dareenkii Dr. Goorgi Kaabjitis
Dr. Goorgi Kaabjitis (Dr. Georgi Kapchits) baa qoraalkiisa la yidhaa ‘On some peculiarities of the Somali language, proverbs and folktales (The paper for the Buranbur conference in San Diego – 3.03.2007)’ ku yidhi:
‘ Soomaalidu waxay si dhan ah u rumaysan tahay murtida maahmaahaha, waanay hubaan in maahmaah kastaa dhab ku salaysan tahay. Waxaanay yidhaahdaan: Soomaalidu been way sheegtaa, beense ma maahmaahdo. Bal aan haddaba isu foodinno labada maahmaahood ee kala ah: Belaayo ama ‘guur’ ama ‘guurso’ bay ku tidhaahdaa, iyo Nin aan guursanini gogol fiican ma seexdo. Midda hore waxay tilmaamaysaa inaanu guurku fiicnayn, halka ay midda labaadi innagu boorrineyso inuu guurku yahay wax aad u fiican. Waxaana cad in ay labadaa maahmaahood is burinayaan (ujeeddooyinkoodu iska hor imanayaan).’
Dr. Goorgi isaga hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in haddii labada maahmaahood xaalad caadiya lagu eego ay mid ahaani dhab noqonayso, midda kalana been. Hayeeshee, haddii mid kasta xaaladdeeda gaar ahaaneed ee dhabta ah loo adeegsado ay mid kastaa dhab noqonayso ama tahay.
Qoraaga oo ah xeeldheere si qoto dheer u falanqeeya una yaqaan maahmaahaha Soomaalida iyo dulcdooda baa mar kale dareemay sida ay waayaha iyo aqoontuba u beeniyeen maahmaah kale. Qoraalka la yidhaa Tooxsasho oo ku soobaxay degelka wardheernews buu Goorgi inoogu qeexayaa ujeeddada maahmaahda tidha: Ceel nin tooxsaday isna ku caddiban, cuudna ma cokana. Waxaanu ku bilaabay:
Waxaan ka war qabaa falka la yidhaahdo Tooxso. Micnihiisu waa hawl keli u qabasho. Waagii hore Soomaalidu ma ay tooxsan jirin, maadaama shaqada la xidhiidha dhaqashada Geela mid qof qudh ahi uu qaban karo aanay ahayn. Waaya-aragnimadoodii waxay ku muujiyeen digniin lama-illoowaan ah: Ceel nin tooxsaday isna ku caddiban, cuudna ma cokana!
Hayeeshee, waayaha cusub ee ku salaysan aqoonta oo si xad-dhaafa ah u socda ayaa awooddii qofka aad u ballaadhiyey, tooxsashana ka dhigay hawl waxtar leh. Waxaanu qoraagu intaa raaciyey inay maanta jiraan indheergarato badan oo Soomaaliyeed oo si dhab ah u tooxsada oo uu ku bartay buugaggii ay qoreen, qaarkoodna uu la ba saaxiibay. Waxaanu tilmaamay qaar ay ka mid yihiin Cabdi-Mahdi Warsame oo ku nool dalka Iswidhen, Maxamed Cali Xasan “Alto” oo uu degaankiisu yahay dalka Ingriiska, Caliqeyr Maxamed Nuur oo isna ku nool dalka Norway iyo Cabdiraxmaan C. Faarax “Guri Barwaaqo” oo xilligaa uu qoraalka qorayey degenaa dalka Kanada (Georgi, 2007).
Waxaa kale oo xusid mudan inaan ogaannay in maahmaahda tidhaa: wadar iyo waaxid, waaxid baa waalan, iyana aragtideeda laga baxay oo ay dhici karto inay wadartu noqoto mid iyadu gefsan (Georgi, 2007).
Maahmaah hor leh oo beenowdey
Aragtidii uu Dr. Goorgi dareensanaa baa si dhab ah u rumowdey kolkii aan dhowaan akhriyey qoraal uu magaciisu ahaa: The women who gave birth to their dead husbands’ babies, kuna soo baxay qaybta caafimaadka ee wargeyska Mail Online maalintii Isniintii ee ay bishan Noof. ahayd 21ka, 2016ka (Monday, Nov 21st 2016 12AM ). Qoraalkan oo ay qortay Amanda Ward wuxuu ku saabsanaa dumar carruur u dhalay sayadoodii geeriyooday! Qoruhu wuxuu hadalkiisii ku bilaabay, Diyaana Baladh (Diane Blood), carmashii ku guuleysatay inay daw u leedahay inay ilmo u dhasho saygeedii geeriyooday iyada oo adeegsanaysa biyihiisii la fadhiisey, ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay mar kale uur leedahay. Marwo Baladh oo 35 jir ah baa hore wiil saddex jir ah, oo la yidhaa Liam, ugu haysey saygeedii Istifan (Stephen) oo u dhintay qoorgooye (meningitis) 1995kii, ilmahooda labaadna la filayo inuu dhasho bisha Juulaay.
Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay sheekooyinka saddex dumar ah oo si farsamo ah loogu uureeyey biyihii raggoodii geeriyooday, waxaanay tidhi:
Donna Ceairns oo 27 jir ah, xaddaanad ku taal Conventry-na ka shaqaysa baa inan yar oo lix bilood ah, lana yidhaa Billie-Marie, u haysa saygeedii la odhan jirey Collin, kana shaqayn jirey waaxda gaadiidka, dhintayna bishii Maarij 2000. Waxaanay tidhi:
Faahfaahinta ka akhriso http://www.dailymail.co.uk/ health/article-107698/The-women-gave-birth-dead-husbands-babies.html#ixzz4QgC8pry9
Hadal iyo dhammaantii, waxa halkaa innooga soo baxay maahmaah kale oo Soomaali ku beenowdey, taasi oo ah ta tidhaa: Ninna tafiirtii lama god galo. Run ahaantiina heerka maanta aqoonta laga marayo ayaa ah ta lugta Soomaali qabatay. Waxaanay dhacdadaasi caddaysay jiritaanka rag geeriyooday oo ayagoo mootan ubad loo dhalay. Waxaana habboon in sidii loo yidhi maahmaahdaasi dib loogu noqdo oo la yidhaa: nin weliba isaga oo godka ku jiruu tafiirmaa ama tafiirmi karaa!!!
Ugu dambayntii qoraalkan kooban ee uu ladhkiisu ahaa: Soomaalidu been ma maahmaahdaa? ayaan soo sheegay sida uu Dr. Goorgi Kaabjitis inoo dareensiiyey iska- hor-imaadka ama is-burinta ujeeddooyinka dhawr maahmaahood oo Soomaaliyeed. Waxa kale oo aan xusay sida waayaha iyo aqoonta saynisku ay maahmaah Soomaaliyeed u beeniyeen oo aanu maanta, midhkaa isaga ah, wax madmadow ahi innoogaga jirin, lana filayo inay qaar kalana soo baxaan xilliyada innagu soo fool leh. Sidaasi darteed waxaan qabaa in caddaymahaasi ay dad badan ku dhiirrin karaan in ay si gabbasho la’aan ah uga warceliyaan weydiintaasi iyada ah.