Dr. Georgi Kapchits: Aqoonyahan Abaalmarin Innaga Mudan

Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan iyo lix qoraa on on the author and his work, with statements by six colleagues. WardheerNews, 6 August 2017 (© 2017 WardheerNews). Original file: PDF.

Dr. Georgi Kapchits: Aqoonyahan Abaalmarin Innaga Mudan

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Oogost 6, 2017 _____________________________________________________________________ Arar: Qoraalkan waxaan jecelahay in aan si kooban ugu soo bandhigo Dr Geoergi Kapchits iyo kaalinta uu ka qaatay horumarinta afkeenna hooyo, anigoo ka gadaalna idiinku soo gudbin doona aragatiyaha ay qaar ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ka qabaan aqoonyahankan. Aniga iyo Dr. Kapchits Markii aan wareysigii soo gabagabeynay ee aan telefoonkii dhigay ayaan billaabay in aan dib u dhegeysto wareysiga, si aan u tifatiro. Waxaa markiiba ii caddaatay in meelaha qaarkood aan codka jawaabaha uu bixiyay Dr. Georgi Kapchits si fiican loo maqlayn. Islamarkiiba dib ayaan u wacay Dr. Kapchits, waxaanan u sheegay in wareysiga meelaha qaar aan codkiisa la maqlayn sidaadarteed in jawaabaha uu ka bixiyay meelo aan u tilmaamay uu mar kale dib u akhriyo. “Saaxiib jawaabuhu meel iigumay qornayn ee hadba wixii aad i weydiiso uun ka jawaabayay ee meel kamaan akhriyaynin”, ayuu si degdeg ah iigu warceliyay Dr Kapchits. Arrintaasi waxay igu noqotay fajac iyo filan’waa waayo codkarnimada, helidda ereyada iyo adeegsiga maahmaahyada uu ku ladhayay jawaabta iyo hadalka aan doondoonista lahayn darteed, waxaan u qaatay uun in aqoonyahanku jawaabo uu sii diyaarsaday akhriyayo maadaama aan hore si guudmar ah ugu sheegay wareysiga iyo waxyaabaha uu ku saabsanaan doono. Waxay ku beegnayd dhacdada aan kor ku xusay badhtamihii 2012kii xilli uu Dr Geoergi Kapchits ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Hargeysa oo uu kaga qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Buuggaagta oo sannadkiiba mar la qabto, isagoo goobta ku daahfuray buuggiisa Soomaalidu Been Ma Maahmaahdo, oo uu ku urruriyay in ka badan afar kun oo maahmaahood ayna weheliso cilmibaadhis qotodheer oo la xidhiidha dabeecadaha iyo qaybaha maahmaahyada Soomaaliyeed. Ma ahan wax iska yimid in uu Dr. Georgi Kapchits Af Soomaaliga sidaa ugu wadhwadho, haseyeeshee hibada uu Eebbe siiyay ka sokow waa midhihii dadaal qaatay muddo nus qarni aan ka yarayn oo uu ku hawlanaa baadhista iyo barashada Af Soomaaliga. Waa su’aal qof walba oo la kulmaa uu weydiiyo sida ay ugu suurto gashay in uu Af Soomaaliga heerkan ka gaadho, waxaanu mar walba ku jawaabaa isagoo kaftamaya, “ Barashada Af Soomaaliga waan ku gaboobay, waan ku dhego beelay, waana ku indho beelay, waanan ku timo beelay welina kama salgaadhin”. Dr. Georgi Kapchits wuxuu dhashay bishii Oktoobar 1939 isagoo sannadkii 1967 ka qalin-jebiyey Mac-hadka lagu barto afafka Aasiya iyo Afrika ee ka tirsan Jaamacadda Moosko, kuna takhasusay afafka Amxaariga iyo Soomaaliga. Intii u dhexaysay 1967kii ilaa 1994 wuxuu weriye ka ahaa laantii Af-Soomaaliga ee Raadiyow Moosko. Tan iyo 1994kii wuxuu faalleeye ka yahay qaybta wararka ee Raadiyaha la yidhaahdo “Codka Ruushka”. Wuxuu Dr Georgi Kapchits Af-Soomaaliga ka dhigi jirey jaamacadaha ka kala furan Moosko iyo Berliin. Dhawr jeer ayuu booqasho ku tegey Soomaaliya. Gu’gii 1989kii wuxuu ammin shan beri ah joogay Muqdisho, Gu’gii 2001diina wuxuu toddobaad joogay Hargeysa. Gu’gii 2003 wuxuu booqasho gaaban ku tegey Jabuuti isagoo marar kalena booqday deegaannada Puntland iyo Somaliland oo uu kaga qayb galay bandhigyo dhinaca buuggaagta ah. Gu’gii 2000 wuxuu helay. darajada loo yaqaanno PhD, isagoo daafacay tiisihii ku saabsanaa naxwaha Af-Soomaaliga. Wuxuu leeyahay xaas iyo laba hablood. Inkastoon yaraantaydii Dr. Kapchits ka dhegeysan jiray Raadiyo Moosko haddana wax badan kama ogeyn ku foognaantiisa Suugaanta Soomaalida siiba maahmaahyada iyo Sheeko dhaqameedka Soomaaliyeed. Wax yar uun ka dib markii uu laba jirsaday degelka WardheerNews, abbaara dhammaadkii sannadkii 2006dii ayaan farriin qoraal ah ka helnay Dr. Georgi Kapchits isagoo xilligaas ku sugnaa dalka Jarmalka. Waxa uu Dr. Kapchits farriinta nagaga codsanayay in aanu bulsho weynta Soomaaliyeed gaadhsiinno buuggiisa Faaliyihii La Bilkayday oo markaas uun la daabacay.

Xilligaas ayay ahayd markii ugu horreysay ee aan xidhiidh la sameeyo Dr. Kapchits anigoo dareensan in shacabka Soomaaliyeed u baahanyihii in ay wax badan ka ogaadaan waxqabadka aqoonyahankan cimriigiisa inta badan ku hawlanaa urrurinta iyo cilmibaadhista suugaanta Soomaalida. Waxaa haddaba maalmahaas ii suurtogashay in aan aqoonyahanka ka qaado wareysi qoraal ah oo uu si yaab leh ugu soo bandhigay heerka uu ka gaadhay adeegsiga Af Soomaaliga, gaar ahaan maahmaayada. Wareysigaas oo ah mid aanay akhristayaashu ka xiiso dhicin waxa uu noqday mid ka mid ah qoraallada aan duugoobin ee loogu akhriska badanyahay ee ku soo baxay Wardheernews.com. Aftahannimada iyo heerka uu ka gaadhay adeegsiga Af Soomaaliga ka sokow waxa uu wareysigaasi akhristaha barayaa niyadsamida iyo kalgacalka uu Dr. Geoergi Kapchits u hayo dalka iyo guud ahaanba dadka Soomaaliyeed. Nin aan saaxiib nahay oo wareysigan akhriyay ayaa laga hayaa, “ anigu wax kale oo aan ku tilmaamo garan maayo laakiin waxaan odhan lahaa Dr. Kapchits wuu Soomaaliyoobay”. Shaki kuma jiro in Dr. Geoergi Kapchits uu Soomaaliyoobay, si aad ahna ula falgalay afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Xilligaas wixii ka dambeeyay Dr. Kapchits waxa uu noqday mid ka mid ah saaxiibbadayda qaaliga ah ee aan sida joogtada ah u wada xidhiidhno, anigoo wax badanna ka bartay. Waxaa marar badan aad looga hadlaa dhibaatada iyo gefef ay Soomaalida badankeedu ku hayaan hab qoraalka farta Soomaaliga. Haddaba anigoo ka mid ahaa ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay afkeenna hooyo weligay isma lahayn waxbaa ka qaldan hab qoraalkaaga siiba dhanka higgaada. Haddaba waaxan candhuuftayda dib u liqay ka dib markii aan farriin ka helay Dr. Kapchits muddo haatan laga joogo dhawr iyo tobon sanno. Sheeko aan maalmahaas qoray baan la wadaagay aqoonyahanka intii aanan daabicin si uu uga falceliyo. Ammaan iyo dhiirigelin badan kasokow wuxuu Dr. Kapchits soo calaamadeeyay dhammaan qaladdaad u badnaa dhinaca higgaada siiba xarfaha labalaabma oo uu ku arkay qoraalkayga, taasoo inta badan Soomaalida wax qortaa aanay danayn. Yaab ayay igu noqotay in qof Ruush ahi uu Af Soomaaligayga saxo. Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaan ku baraarugay muhimadda ay arrintani leedahay anigoo intii suurtogal ah ka taxadara xarfahaas farakutiriska ah oo laf-dhuun-gashay ku noqday qofkasta oo wax qora. Dr. Kapchits waxa uu qoray muddadii dheerayd ee uu baadhista Af Soomaaliga ku hawlanaa buuggaag iyo qoraallo kala geddisan oo Af Soomaaliga ka sokow uu qaarkood ku tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Ruushka.

Waa shakhsi aad u qiimeeya Soomaalida iyo afkoodaba. Markasta oo aad la sheekaysato waxaad ka dareemaysaa werwerka uu ka qabo ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha, waxaanu waalidiinta ku guubaabiyaa in ay ubadkooda baraan afka hooyo. Qoraallada iyo buuggaagta uu Georgi Kapchts soo saaray waa dhigaal ay jiillalka soo socdaa ka dheehan doonaan dhaxal suugaaneedka hiddaha ah siiba sheeko xariirta iyo maahmaahyada Soomaaliyeed. Soomaalidu waxay tidhaa hadal waa murti iyo yooyoon. Haddaba Dr. Kapchits hadalkiisu waa wada murti. Way igu adagtahay in aan helo erayo aan ku qanci karo, si aan ugu sifeeyo shakhsiyadda, waxqabadka, dadaalka iyo abaalka uu Dr. Kapchits ka mudanyahay guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darteeed waxaa ila qummanaatay in aan ka codsado qaar ka mid ah saaxiibbadayda bahda qalinleyda Soomaaliyeed inay ila wadaagaan aragtidooda ku wajahan Dr. Georgi Kapchits. Maxay ka yidhaahdeen Dr Kapchits qorayaasha Soomaaliyeed: “Abaal nin gayaa guda” Ugu horrayn waxaa bogaadin mudan Wardheernews iyo Khaliil Cabdiraxmaan. Waxay nugu baraarujiyeen noona billaabeen gudashada waajib ummad ahaan na saaran: abaal-gudka Dr. Georgi Kapchits. Waa aqoonyahan Ruush u dhashay ummaddeenana gashaday abaal diiwaan-galin mudan. Waa xeeldheere noloshiisa u hibeeyey barashada, barista iyo baahinta afka Soomaalida iyo suugaantiisa. Wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay hiilka afkeena hooyo ee maanta u harraadan halyeeyo u gurmada. Wuxuu ugu hiilliyey qalin iyo mikrofoon meelo aad u fog ku faafiyey. Waa hawlgalka is kaaya baray ama aan ku bahowney aniga iyo Georgi. Muddo afartan sano madaxa la sii galaysa ah ayaan ahayn sokeeye isu dhuun-daloola, isu xog-ogaal ah, is weydaarsada qoraallada, iska wargaliya arrimaha Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, amaba guud ahaan aqoon-faafinta. Wax badan ayaan ka bartay dhiganeyaasha faraha badan ee uu sannadaha faraha badan ku faafinayey afafka Soomaaliga, Ruushka iyo Ingirriska. Ma badna inta ka maqan kaydka aqalka ii rasaysan. Intooda badan asaga qudhiisa ayaa hadiyad ahaan ii guddoon-siiyey, mahadi ha ka gaadhee. Hadiyaddii ugu dambeysey ee uu habeen aan fogeyn hurdada iiga toosiyey waxay ahayd arrin mudan in lala wadaago aqoon-jecel fara badan oo Soomaali u badan. Xog-raadinta uu xeeldheere ahaan har iyo habeen ku fooganyahay ayaa waxay la gashay inuu isoo weydiiyo maahmaah Soomaaliyeed oo uu doonayey inuu hubsado jiritaankeeda ama asalkeeda. Waa maahmaahda ama murtida soojireenka ah ee murtiyahan qarniyo badan ka hor noolaa uu na barayo: ‘Geesigu saddex jeer ayuu cabsi libaax dareemaa: Markuu raadkiisa arko, markuu reenkiisa maqlo iyo markuu ruuxiisa arko’.

Dr. Kapchits wuxuu ogaadey xaqiiq la-yaab leh oo ay ahayd in aanu annaga Soomaalida ah, siiba intayada isku hawsha cilmi-baarista suugaanta, aan mar hore ogaano dad bandanna la wadaagno. Waa arrin aad u xiisa badan. Oo maxay tahay? Qoraagii weynaa Ernest Hemingway, ee dhashay qarnigii 19aad, ayaa sheekooyinkiisa caanka ah mid ka mid ah, “The Short Happy Life of Francis Macomber,” wuxuu ku bilaabay tixraac uu xiganayo murtida Soomaaliyeed ee kor ku xusan. Dr Kapchits diiraddiisii aragga dheerayd kuna firfircoonayd ururinta maahmaahyaha Soomaalida ayaa sheekadii Hemingway ka soo dhex qabatay murti Soomaaliyeed. Kapchits wuxuu la yaabay sheeko-qore Maraykan ah oo joogey boqol sano ka hor sida uu ku helay maahmaah Soomaaliyeed. Dhanka kalena wuxuu si weyn u xiiseeyey inuu helo asalkii Af-Soomaaliga ahaa ee murtidan uu Hemingway Af Ingiriisiga ku tarjumay. Taas ayaa ku dhalisay inuu la soo wadaago kana xog-waraysto saaxiibbadiisii cilmibaareyaasha Soomaaliyeed ahaa ee aan anigu ka midka ahaa. Halkaas ayaa laga wada garan karaa heerka uu gaarsiisanyahay dadaalka Georgi Kapchits ugu jiro ururinta murtida Soomaalida iyo u fiirsiga xeeldheerenimo ee uu ku cilmi-baaro. Buuggaagta maanta laga heli karo tirada ugu badan ee ah murti iyo maahmaahyo Soomaaliyeed oo si cilmiyaysan loo qoray loona gorfeeyey waa kuwa uu u qalin-qaatay Georgi Kapchits. Isla dadaalkaas mid la mid ah ayuu ka sameeyey dhanka sheeko-hiddeedda Soomaalida ama sooyaalkii sheeko-curiska Soomaaliyeed. Dhanka kalena, Af-Soomaaliga, ka sokow dadaalka uu galiyey barashadiisa, sida uu isugu hawlay cilmi-baarista afkan waxaad ka garan kartaa in diraasaddii uu ku qaatay darajada doktoornimada (PhD) mowduuc ahaan wuxuu u doortay naxwaha Af- Soomaaliga, kaas oo ah hawl aad u adag. Micnaha Kapchits wuxuu aqoonta Af- Soomaaliga iyo suugaantiisa ku soo kordhiyey waxtar ay dhif tahay cid kale oo soo kordhisay, siiba cid aan Soomaali ahayn. Waa waxtar aan ka yarayn kii uu isla arrinkaas ka geystey Professor B.W. Andrzejewski oo Soomaalidu u taqaan Macallin Guush. Waa caalimkii reer Poland ee dunida reer galbeedka ka dhaadhiciyey Soomaalidu inay tahay ummad Eebbe ku mannaystay af aad u hodan ah iyo suugaan layaab leh oo gaarsiisan heerka ugu sarreeya ee ay gaari karto suugaanta dunidu. Sida Kapchits ayuu Macallin Guush, haddaan Soomaali nahay, wuxuu nugu leeyahay abaal aan la gudi Karin. Nasiibdarro ma jiro abaalgud sheegid mudan oo aan ilaa hadda ku xusnay muftigaas noo hiilliyey ifkana ka sii maqan ku dhawaad afar iyo labaatan sano. Waa gaabis la hubo inan ku ceebaysannahay. Dr. Kapchits wallow uu asagu, nasiib-wanaag, weli na dhex joogo (cimrigiis ha raagee) way habboontahay tallaabadan uu qaaday Khaliil Cabdiraxmaan. Waa waajib qofka qiimaynta mudan in la karaameeyo geeridiisa ka hor iyo ka dibba, sidii uu ku kaftan-dhableeyey, welibana ku maansooday abwaan Gaarriye, naxariistii janno Allaha ku abaal-mariyee.

Maxamed Daahir Afrax, PhD Guddoomiyaha Akadeemiya Gobolleedka Af Soomaaliga(AGA)

Muqdisho, Soomaaliya.

“Dr Georgi Kapchits waa Nin tolnimo sheegtay” Kuwo xijaabtay iyo kuwa noolba, ma tira badna ajnabiga saamaynta weyn ku leh Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo dhammaantood ammaan iyo maamuus ku mudan. Dr. Georgi Kapchits oo dalka Ruushka u dhashay ayaa dadkaas ka mid ah. Hase yeeshee, baabka uu Af-Soomaaliga iyo danayntiisa kaga soo biiray wuu ka duwan yahay intooda kaloo dhan. Isagoo dalkiisa jooga lixdamaadkii qarnigii 20aad ee la soo dhaafay, ayuu ku tahanbaabay inu Af-Soomaaliga barto. Goobaha kale ee aqoonta ka sokow, barashada Af-soomaaliga wuxuu si weyn ula kaashaday ardaydii Soomaaliyeed ee Moscow wax ka baranaysey xilligaas. Muddo gaaban gudaheed, intuu Afkii si fiican u maalay, ayuu Radio Moscow ka noqday wariyaha dadka Soomaaliyeed isaga wada marag kacaan tebin-wanaagga Af- Soomaaligiisa. Labaatan sano in ka badan ayuu idaacadda ka shaqaynayay isagoo aan marna xiisaha loo hayay isdhimin. Intuu hawshaa wadey iyo intii ka damabayseyba maankiisa kama bixin inu aqoonta uu Afka iyo dhaqanka soomaaliyeed u leeyahy sii tobanjibbaaro. Laba ilood ayuu ka abbaaray: Sheeko-xariirrada iyo maahmaahaa Soomaaliyeed. Kuwaas uu ka dejiyay buuggag aan cidi ku gaarayn oo ummadda Soomaaliyeed magaceeda iyo murtideeda ku simay meel aan hore looga maqal. Nin Afkaaga barashadiisa isku hawlay, ka dibna ka shaqeeyay kobcintiisa, korriinkiisa iyo horumarintiisa hubanti, waa nin si weyn u muujiyay gacaltooyo iyo tolnimo dhab ah. Georgi Kapchits runtii waa nin Qaranka Soomaaliyeed tolnimo buuxda u sheegtay.

Siciid Jaamac Xuseen

London, U.K. ——————- Soomaalidu waxay tidhaa: Dhegta iyo isha dhegtaa da’ weyn. Sidaasi awgeed Dr. Georgi L. Kapchits waxaan aqiin aniga oo aan arag. Waxaanan ka dhegeysan jirey laantii af Soomaaliga ee Radyow Moosko. Laba barnaamij oo la kala odhan jirey: Warqad baan kaa sugayaa iyo Muraayad Midabyo Badan, oo aad loo jeclaa, oo uu soosaari jirey, baan aad ugu xidhnaa. Xagaagii 2002dii baannu xidhiidh toos ah wada yeelannay. Waa kolkii uu helay buugga magaciisu yahay: Magac Bilaash uma Baxo. Falcelin dad badan oo Soomaaliyeed, xilligaa yaab ku reebtay, muujisayna xeeldheeridiisa dhanka qoraalka, degello badanna lagu faafiyey ayuu ka soo qoray. Ladhka qoraalkaasi baa ahaa “Waa kan buuggii aan sugeyey 24ka sano”. Runtii waa aqoon yahan aad ugu xeeldheer qoridda iyo ku hadalka af Soomaaliga, si gaar ahna u jecel maahmaahaha Soomaalida.

2003dii baannu markii ugu horreysey isku aragnay magaala madaxda dalka Kanada ee Ottawa. Ururka loo yaqaan Ururka Aabbayaasha Soomaaliyeed oo aan xubin ka ahaa baa soo marti qaaday. Dr. Georgi waa nin furfuran, kaftan badan oo Soomaalida iyo afkeedaba jecel. Mar aan hadhimo ugu sameeyey gurigayga, carruurtayda mid ka mid ah ayaa weydiiyey in carruurta uu awowga u yahay rabaan inay, sidiisa oo kale, bartaan af Soomaaliga iyo in kale. Waxaanu ugu warceliyey: Waxay igu yidhaahdeen, “Adiga ayaa sidii aad af Soomaaliga u baranaysay ku timo beelay (ku bidaaraystay) oo ku indho beelay, kuna dhego beelay, markaa annagu ma rabno inaanu sidaada oo kale noqonno!” Mar aannu magaalo xeebeedda San Diego, gobolka Kalifoorniya (California) ee dalka Maraykan kaga wada qaybgalnay barnaamij Suugaaneed lagaga hadlayay halabuurka haweenka Soomaaliyeed, ayna soo qabanqaabisay Yaasmiin Maxamuud ayaanu booqannay meel ay ganacsato Soomaaliyeed deggeneyd. Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadkii ganacsiga ku lahaa meesha buu bariidiyey. Inta ay yaabtay oo hadalba ka soo bixiwaayey buu isagu ku yidhi, “Ma waxaad la yaabban tahay ninkan cad ee af Soomaaliga kugu la hadlaya?” Laga bilaabo xilligaa waxaannu ku mataanowney horumarinta iyo kobcinta af Soomaaliga. Dr. Georgi wuxuu af Soomaaliga ka qoray ilaa 9 buug*. Waxay ku soo kala baxeen af Soomaali, af Ingiriis iyo af Ruush. Qoraallada ayaga hadalkooda waad daysaa oo lama soo koobi karo.

Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo

Hargeysa, Somaliland. ——————- Dr. Kapchits waa buuni ku xeeldheer naxwaha af-Soomaaliga, waana xidaar si cilmiyaysan u saafay una weelay murtideenna, siiba maahmaahdeenna iyo sheekaxariiradeenna, isagoo hadh iyo habeen u heellan horumarintooda. Suugaan maax ah, ashqaraar leh oo aan maanta iyo berriba u aayayno ayuu inna dhaxalsiiyay. Abaal kii hooyo oo kale ah ayuu innagu leeyahay, maaddaama oo uu murtidii abawalladeenna innagu soo simay. Waxaan ku farxaa sida uu qalinka inoogu maaweeliyo. Bal qoraalladiisa, siiba kuwa sixitaanka ah, dib uga akhriso WardheerNews: Sow qosol iyo farxadi ku hadhayn mayaan?

Mar uu dhambaal igu weydiiyay erey aan naxwayn kari waayay, oo aan ayeyday ku baxsaday, waxa uu adeerkay Dr. Kapchipts ii soo qoray: “Ayeeyadaa igu salaan, una sheeg in ay burisay maahmaahdii ahayd: Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yiri!”

Idiris Maxamed Cali

Boston, U.S.A. ——————— Dr. Georgi Kapchits, in kastoo dhalashadiisu tahay Ruush, anigu waxaan u arkaa odey Soomaaliyeed oo ku xeel dheer hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Inta jeer ee uu Soomaaliya cago dhigtay waa faro ku tiris, waana midda i cajabisay in qof dal kale u dhashay uu afkeenna heerkaas ka gaaro isagoo dibadda ku nool. Georgi in muddo ah ayaan saaxiibbo ahayn. Markastoon wada xidhiidhnana, qoraallada aanu isweydaarsanno waa kuwo ku qoran afkeenna hooyo. Waxaan odhan lahaa ma jiro qof Soomaaliyeed oo la barbar dhigi karo Georgi aqoonta uu u leeyahay maahmaahyada Soomaalida isagoo dhinaca kalena qoray buuggaag iyo qoraallo kale oo badan. Waa innagu waajib in aan maamuusno Georgi oo madaxdeennu abaalmarin qaran guddoonsiiyaan. Ugu dambeyn, aad baynu u nasiib badannahay in aan haysano aqoonyahan Geoergi Kapchits oo kale, oo horumarinta afkeenna u heellan.

Aadan Makina Garisa, Kenya. ——————- “Warku ha sii faafo” Dr Kapchits waxa uu kaga jiraa Baal Dahab ah horumarinta Suugaanta Soomaalida Dr. Georgi Kapchits waa xeeldheere dadaal badan u soo galay horumarinta Af Soomaaliga. Waa khabiir aad u murti badan, oo aadan marnaba ka daaleyn hadalkiisa iyo la sheekaysigiisa . Waxaa maqalka Md Kapchits iigu horreysay wakhti hore, magaalada Hargeysa, oo aan markaas ka maqlay Radio Moscow, oo isaga iyo haweenay Ruush ahi Barnaamij Af Soomali ah ka sii deyn jireen. Aniga oo markaas in badan ka war hayay ama maqlay in uu jiro aqoonyahan Ruush ah oo khabiir ku ah murtida iyo Af Soomaaliga, ayaa markii ugu horeysay aan kula kulmay magaalada San Diego, ee gobolka California, isaga oo lagu marti qaaday munaasabad lagaga hadlayay Doorka Suugaanta iyo hal abuurka Dumarka Soomaalida (Conference on Somali women Poetry, San Diego) bishii Maarso, 2007, oo ay qabanqabisay Qoraaga Yasmeen Maxamuud.

Md. Kapchits oo aanu kulankaasi si fiican isugu baranay, waxa i soo jiitay isaga oo hadalkiisa iyo weedh kasta oo af-kiisa ka soo baxda ay tahay mid miisaaman oo ku salaysan murti Soomaaliyeed. Haddaba bal aan wax yar ka xuso sida yaabka leh ee uu u adeegsado murtida iyo maahmaahda Soomaalida anigoo soo xiganaya qoraalladiisa kala geddisan. Md. Kapchits mar uu wax ka qoray degelka WardheerNews maqaal uu u baxshay “ Warku ha sii faafo”, waxa ka mid ahaa qoraalkiisa: “ Waxaa la yiri: Nin fadhiyaa soor buu kaa filanayaa, nin socdaana war baa la yidhi. Maadaama Soomaalidu dad fadhiya aanay ahaan jirin, maantana aanay ahayn, wax war ka muhiimsanna horey uma jiri jirin, umana jiro maanta”. Waxyaalaha xasuusta igu reebay ee an ka bartay Md. Kapchits waxa ka mid ah, mar uu waraysi ka qaaday Khaliil, ayuu hadalkiisa ku bilaabay murti cajiib ah:“ Waxaa jirta maahmaah tidhaahda “waayeel afkaaga fur, ilkahaaga aan tiriyee lama yidhaahdo”. Kaftan weeye nin furfuran baan ahay. Inkastoo la yidhi ‘Af daboolani waa dahab’, haddana waxaa jira maahmaaho kale oo ii toosinaya wareysigan. Waxa ka mid ah ‘Nin aan hadlin, habartiina wax ma siiso”! Waxa kaloo aad ii xiiso geliyay mar uu ka waramay burburka Soomaaliya, waxa uu yidhi: “markaad kaliil aragtid roob filo!” Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Dr Georrgi Kapchits doorkaa weyn ee uu ka geystay Suugaanta Soomaalida, isaga oo ay taariikhdu ku xusi doonto Baal dahab ah.

C/kariim C/raxmaan X. Xasan

Nairobi, Kenya. Gabagabo Ujeeddada qoraalkani ma ahayn mid aan ku barayo akhristaha qofka uu yahay Dr. Geoergi Kapchits waayo dadka Soomaaliyeed badankiisu way ka dheregsanyihiin, waanay ogyihiin dadaalka dheer ee uu u galay urrurinta, baadhista, kaydinta iyo horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Haseyeeshee waxay iga tahay uun is xasuusin iyo baraarujin in aynu aqoonsanno shacab iyo dawladba abaalka uu innaga mudanyahay Dr. Georgi Kapchits. Abwaankeenii, Macallin Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Ilaah naxariistii janno ha siiyee ayaa laga hayaa hadal ujeeddadiisu isugu soo biyo-hubanyso, “qofka intii marka uu dhinto la ammaani lahaa, inta uu noolyahay ayuu u baahanyahay aqoonsi iyo dhiirrigelin.” Haddaba Dr. Kapchits hadda ayuu innaga mudanyahay in aan aqoonsi iyo abaalmarin qaran ku maamuusno dadaalka iyo waxqabadka uu ka geystay horumarinta afkeenna hooyo.

Ugu dambeystii waxaan u rajaynayaa aqoonyahanka caafimaad, barwaaqo, bashbash iyo bariis caano leh(sida uu yidhaahdo). Aan idinku dhaafo murtida qotada dheer ee uu Aqoonyahanku marwalba iyo meel walba xasuusiyo Soomaalida: “Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yaraystaan, walaalo is necebina waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan.” W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X.Xasan Email: khaliilha484@hotmail.com WardheerNews, London. —— Fadlan hakan ka akhriso maqaalo kale oo uu qoray ama ka hadlaya Dr. Georgi Kapchits