Georgi L. Kapchitsafka iyo suugaanta Soomaaliyeed · bog akadeemiyeed

Gorfeynta buugga «Godob iyo Gallad»

Gorfeyn uu Dr. Georgi Kapchits ku daabacay WardheerNews 24 Abriil 2021. Buugga la gorfeeyey waa qisada «Godob iyo Gallad» ee Xuseen M. Cabdulle (Wadaad). Qoraalku halkan wuxuu u yaal sidii uu qoraagu u qoray, waxbana lagama beddelin.

“Godob iyo Gallad” waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebla sanooyinkii toddobaatameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud loogu aqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah afguriga buuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu ku saabsan yahay.

Afka buuggu waa mid hodon ah oo ku dhisan waxyaallaha sifada u ah af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah maansada iyo maahmaahaha. “Godob iyo Gallad” waxaan ka bartay:

Xalaal iyo xoog
Suu ku xero galo
Midna kuma xuma!
Meel xabbado badan
Oo rag ku xarbiyey
Ooy xinjiri taal
Xayaad ololaay.

“Godob iyo Gallad” waa qaamuus oo kale oo laga baran karo maahmaahaha xikmadda qotata dheer leh ee abkii hore laga dhaxlay. Waxaa ka mid ah:

Inkastoon ku hawlan ahay ururinta iyo baaritaanka maahmaahaha Soomaaliyeed muddo konon sano ah in ka badan, haddana qaar ka mid ah kuwii aan kula kulmay “Godob iyo Gallad” weligay iyo waaqay maan arag.

Waxaan si gaar ah ula dhacay waxa afka qalaad lagu yiraahdo IDEOPHONE (jaf, jug, shib ku wad) oo ay weheliyaan falalka kala ah dhihi, oran, lahaan iyo siin ee buuggani ay ka buuxaan:

Afguriga ay ku hadlaan jileyaasha buuggu waa mid Banaadiri ah, gaar ahaan, nooca u gaarka ah Muqdisho. Tusaalooyin dhowr ah aan ka bixiyo:

“Godob iyo Gallad” dulucdeeda haddii la soo koobo waa tan: laba wiil oo mid ka mid ahi uu reer magaal yahay, midka kalana uu miyi ka yimid oo intii la xiray ayaa lagu eedeeyey dembi aanay gelin oo ah in ay dileen gabar ay isku deyeen in ay kufsadaan. Wiilka reer magaalka ah aabbihiis aad buu u murugsanaa, mar hadduu garan waayay wuxuu u qaban kari lahaa wiilkiisa.

Tan iyo maalintii wiilkiisii la xiray aabbihiis waxaa ku dhacay belooyin kale oo farabbadan oo uu kuu caloolgubyooday: gurigiisii waa la dhacay, afadiisii waa ay ka taktay, shaqadiisiina waa ay ka luntay. Hase yeeshee gargaarkii uu ka helay laba qof oo hufan ayuu dib u soo noolaaday. Wiilkiisii waa la sii daayay, marwadiisii waa ay soo noqotay, shaqo ka wanaagsan tii laga eryay ayuu helay.

“Godob iyo Gallad” waxyaallo bandan oo aan la soo koobi karin ayaan ka faa’iideystay, aqoonta uu qoruhu u leeyahay nidaamka caddaaladdu siduu ahaa waqtigii Soomaaliya uu maamuulayay Maxamed Siyaad Barre aad baan ula dhacay.

Haddii wax laga taataabtana iimaha buuggu uu leeyahay, tiradoodu ma badna. Marka ugu horreysa, aniga haddaan ahay akhriste ku hanaqaaday suugaanta Ruushka, gaar ahaan qisooyinkii ay qoreen Leo Tolsto, Fiyodor Dostoyevski iyo Anton Jekov ayaa waxaan “Godob iyo Gallad” ka waayay jileyaal aan sahlanayn oo dabiicaddoodu ay mideyso astaamo wanwanaagsan, kuwo dhexdhexaadi ah iyo kuwa aan lagu faani karinba. Dadka uu ka hadlayana qoraagu laba nooc bay u kala baxaan: kuwa wada qumman iyo kuwa wada qalloocanba. Ilama aha in dadka caynkaas oo kala ahi ay ku badan yihiin Soomaalida.

Taa waxaa weliba u sii dheer in “Godob iyo Gallad” aanay ku yarayn gefaf xarfo-qoraal ah oo dhibaya isha akhristaha kala garan og eray si sax ah u daabacan iyo mid dadbanba.

Inkastoo ay sidaasi tahay, haddana aad baan uga helay Xuseen M. Cabdulle (Wadaad) buuggiisa. Kaddib markii aan akhristay boggii ugu dambeeyey “Godob iyo Gallad” si uu madluni ku jirto baan isu iri: “Ninyohow, waa ay kuu dhammaatay booqashadii la-yaabka lahayd ee aad ku joogtay Muqdisho aadan hore u ogayn.”

W.Q. Dr. Georgi Kapchits
E-mail: geedka@aha.ru
Website: www.kapchits.online
Moosko