Georgi L. Kapchitsafka iyo suugaanta Soomaaliyeed · bog akadeemiyeed

Gorfeynta «Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed» ee uu Qoray Georgi Kapchits

Adan Makina — Qaamuuska Casriga ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed (2020). WardheerNews, 18 Oktoobar 2020.

Gorfeynta “Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed” ee uu Qoray Georgi Kapchits

Adan Makina

WardheerNews

October 17, 2020

Waxaan maqli jiray illaa yaraanteydi, maahmaahda ah “ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesaya.” “Dhegaheyga kuma maqal dhaayahayga kuma arag”, in abwaan dhalashadiisu yahay dalka Ruushka in manta oo Axad ah (Oktoobar 11, 2020) uu ila soo xidhiidho asagoo ila socodsiinaya in Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed kaas oo uu ku hawlanaa gu’yaal badan la daabacay. Buugga kuma qorna afkiisa hooyo ee ah ka Ruuska ee waa mid ku qoran afka qaddiimiga ee Soomaalida ku hadasho kaas oo loo yaqaan af Soomaali. Qaamuuska wuxuu ka koobanyahay 5,000 oo maahmaahyo. In kasto horey loo yidhi “Soomaali been kuma maahmaado”, qoraaga oo ah Professor Georgi Kapchits wuxuu mudanyahay in ciddaan aqoon hadda loo bandhigo taariikh nololeedkiisa si mowlac aan loo kala hadhin lagu casumo goortey noqotaba, laguna shubo caano dhaay ah, taas oo muujineysa qaddarinta iyo qiimaha uu ku leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Intaanan u guda gelin dulucda Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed, waxaan jecleystay bal inaan idinla wadaago taariikha Qoraa Georgi Kapchits oo indhoweyd maqaal aan qoray welina aan la soo saarin ku taagtaagsaday qaybta ama doorka lixaadka leh ee uu ka cayaaray horumarinta af Soomaaliga. Magac dhawgii Georgi maqaalkeygi hore waa mid iila eg xusuus kedis ah (coincidence). Taasi waxay muujineysa, anoo qalbiga ku hayo ayuu si kedis ah iila soo xidhiidhay. Georgi oo iigu yeedho “Gacaliye Aadan” ama “Walaalkeyga iga yar” goortaan isweydaarsaneyno qoraallada xidhiidhka elektirooniga ah, waa mid igu weyn dhanka aqoon isweydaarsiga. Muddo ka badan 10 sano ayaanu is naqaanay waxaan ka faa’ideyna lama soo koobi karo. Waxaa jidha odhaah afka qalaad ee ah “lean on the shoulders of giants” oo la micne ah ‘ku tiirso garbaha maadaanleyaasha/maadiinleyaasha’. Waxaan u soo qabsaday odhaahdaa in Georgi yahay garab Soomaali oo dhammi ay ku tiirsan kadho.

Taariikhda Georgi Kapchits

Georgi waa Aqoonyahan ku talaxtegey afafka Amxaariga iyo ka Soomaaliga wuxuuna ku dhashay dhulkii baaxadda weynaa ee la odhan jiray Midowga Sofyeeti Sannadkii 1939–waana xilli ku aaddan billowgii Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sannadkii 1967 ayuu ka qalin-jebiyey Jaammacadda Lomonosov oo ku taalley magaalada Москва oo ah Moosko ama Moscow. Москва waxaa loogu dhawaaqaa Mooskafaa ama Moskva. Georgi yuusan ila yaabin dhigaalkeyga magaca Москва oo maankeyga ku jidhay illaa yaraanteydi. “Walaalkeyga iga weyn”–waa sida aan ugu jawaabo e, Georgi, sida aan ka dhuuxay taariikhdiisa, wuxuu Sannadkii 1967 ku biiray Raadiyaha Moosko asagoo noqday wartebiye iyo tarjubaan/turjumaan, wuxuuna hawshaas waday illaa 1994. Sannadihii 1994 illaa 2014 ayuu “Idaacadda Codka Ruushka” daadihinayey qaybta “faaqidaadda iyo faallada.” “Waa yaab, yaabkiis iyo ammakaage”, “Walaalkeyga iga weyn” “wuu ku dhalan gaadhay” waxyaabaha la halmaala idaacadaha iyo wartebinta, waana sida ay Soomalida tidhaahdo goortuu qof meel ku raago. Cilmi raadis da’ ma celisee, 2000 ayuu gacanta ku dhigay shahaadada PhD, taas oo ku saabsaneyd naxwaha af Soomaaliga. Waxaa intaas u sii dheer in uu af Soomaaliga ka dhigi jiray jaammacado ku kala yaal magaalooyiinka Moosko iyo Baarliin. Halkaas yeynan kaga tagine, ugu dar 10 buug oo af Soomaali ah oo uu qoray, kuwaaso yaalla maktabado iyo degellada ganacsiga caalamiga. Sidoo kale, wuxuu qoray maqaallo aan tiro laheyn oo dhammaantood ku saabsan suugaanta Soomaaliyeed. Maadaama horey loo yidhi “waari meyside war hakaa haro”, Georgi warkiisa haku daayo imminka maadaama aynu u leexaneyno dhanka falanqeynta buuggiisa dahabiga ah.

Ukuurgalka Buugga Georgi Kapchits

In shakhsi uu isku xil saaro dhigaal socday sanooyiin badan waa arrin culeys badan. Georgi in uu qoro qaamuus xambaarsan 5,000 oo maahmaah ah waa dhaxal ay isla wadaagi doonaan Soomaali weyn iyo inta qaddarisa af Soomaaliga ku sugan in uu cidhibtirmo. Kala guurkii billowgii 1991 markii dawladdii dhexe ay burburtay ayaa sababay in af Soomaaliga qaddarintii uu lahaa hoos u dhaco in kasto dad tiro yar dadaal ugaleen in ay badbaadiyaan. Isweydiin maleh in ay jiraan luuqado sii baaba’aya sannad walba. Matalan, bishii labaad Sannadkii 2010, jasiiradaha Andaman (Andaman Islands) oo hoos yimaada Dalka Hindiya waxaa ku geeriyooday haweeney la odhan jiray Bo Sr oo da’deedu ahaa 80, taas oo aheyd qoftii ugu dambeysay ee ku hadasha af qaddiimi ahaa ummaddii ku hadli jidhayna cuduro is daba jog ah cidhibtiray. In luuqad baa’ado kuma saleysna baaba’a dadka kuhadla keliya. Waxaa sababi karaa afafkii gumeystayaashii ay ku khasbeen ummadihii ay dhulkooda qabsadeen sida Ingiriiska, Faransiiska, Isbaanishka, Boortuqiiska iyo weliba ka Beljiyam. Loolankii Kala Qeybsiga Afrika ee afka qalaad loo yaqaan The Scramble for Africa ama The Partition of Africa ee kulankiisa lagu qabtay magaalada Baarliin Sannadihii 1984 iyo 1985 ee ay horboodaayeen madaxdii Beljiyam iyo Jarmalka, wuxuu sababay dhaawac weyn gaadhay luuqado badan oo looga hadlo Qaaradda Afrika.

Wax kasto ku saabsan dhigaal ama qoraal, wuxuu ubaahanyahay maareyn wakhti (time management) illeyn wakhti lumay dib looma soo celin karo e. Waxaad u baahantahay waxyaabo badan sida cunto, cabbitaan, ama dhaqaale kugu filan inta aad ku hawlantahay dhigaalka. Waxaa kuu sii dheer cilmi baadhid, saaxiibo kaa caawiya waxaad garanweydo ama kula qabta hawlo kala geddisan. Dalbashada buugaagta kuu sahlaya geeddi socodka dhigaalka, waxaad ka raadin maktabadaha iibiya buugaagta taxan degellada, kuwa jaammacadaha oo mararka qaar u baahan inaad sugto muddo iyo kuwa dukaammada caadiga ah loo yaqaan bookshops.

Isbeddelka cimilada sida xilliga qaboobaha ayaad ku turunturoon kadhaa oo kaa reebaya socdaal kastood damacdo. Gurmad iyo tacsi qaraabo iyo ehel ama deris aad booqato waa waxaan laga tegi karin haddaad leedahay damqasho aadminimo. Sideedaba, qof waliba wuxuu gabbadaa 15 illaa 20 jeer daqiiqaddii ama 900 illaa 1,200 saacad walba. Wadar ahaan waa 20,000 maalinkii, illaa 130,000 toddobaadkii, iyo 5 illaa 7 malyuun sannadkii. In aad dul fadhido aalad iftiin bixinaya saacado badan, waxay dhaawici kadhaa nuurka indhahaaga, in kastoo gabbashadu ay caawiso aragga indhaha. In la daryeelo indhaha waa waajib, waayo, waa xubinta keliya jirka aadmiga aan la beddeli karin (transplantation).

Waa maxay qaamuus iyo maahmaah?

Qaamuus waa buug lagu soo uruuriyay inta ereyo ama kelmedo af u gooni ah ka koobanyahay wuxuuna ka soo faracmay afka Carabiga ah. Qaamuuska ereyadiisa waxaa u daliil ah in ay yihiin xarfo ama shibbaneyaal taxaneyaal ah oo is daba socda. Shibbaneyaasha Af Soomaaliga waxay ka billowdaan xarafka ‘B’ waxayna ku dhammaadaan ‘Y’. Haddaba, qaamuuska Af Soomaaliga waa in uu qeexaa erey kasta oo ‘B’ ka billowda waana lamahuraan in wax kasto ka billowda ‘B’ lagu muujiyaa qaamuuska. Qaamuuska waa in uu ifiyaa sida loogu dhawaaqo ereyada ayagoo qoraal iyo maqal ba ah. Halkii erey wuxuu yeelan karaa hal micne ama tirooyiin badan. Matalan, ereyga ‘hal’ wuxuu noqon karaa neef geel ah oo dhadig ah ama xisaab ahaan wax ‘mid’ ah oo aan labo iyo saddex ahayn.

Maahmaah waa hadal gaaban oo si dadban loo yidhi kuna fadhiya micne dadban. Maahmaahyada af Soomaaliga waa kuwo hore iyo kuwo horleh. Maahmaahda “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” waa hadal qaddiimi ah, laakiin, “rag waa shaah, dumarna waa sheeko”, waa odhaah cusub waayo shaah wuxuu na soo gaadhay ‘Sannadkii biyo fuud’ oo ku beegan 1920 markuu Imberetooriyaddii Ingiriiska ee fadhiyay Kiiniya billaabay beereysiga qasabka iyo caleenta shaaha. Sannadka loogu magic daray “Biyo Fuud” ujeedduu leeyahay. Maadaama dadka aysan haysan fiijaamo, koobab ama bakeeriyaal, waxaa la isticmaali jiray ‘xeero’ oo marna loo yaqaan ‘kur’ iyo ‘fandhaal’ oo isna magaciisa kale yahay ‘mooqa’. Labadaasi weel ayaa lagu fuudi ama cabbi jidhay shaaha waagaa.

Haddaad maqasho odhaahda ah “horaa loo yidhi”, waa in aad ogaata in waxa soo socda yahay maahmaah. “Af daboolan, waa dahab”, waxaa lagu micneyn karaa oo kale “hadal badan, haan ma buuxsho.” Hadal badnaan awgeed yaan lagu dhaleeceynine, adoo iska aamuusa ayaa kuu dhaantaa, weeye ujeeddadu. “Abuur iyo waano, abuur baa horreeyay” waa hadal ku saleysan abuurkii aabbihii aadmiga oo dhan waayo, markii la abuuray kadib ayaa la waaniyay. “Aan wada hadalno, waa aan heshiino”, waa aynu xaajoono intaynan foodda isdarin.

“Af jooga looma adeego” ama “nimaan hadlin, habartiisana wax ma siiso” wey isa shabbahaan. Uma baahnid in laguu hadlo adoo awoodo in aad baahidaada u soo bandhigto qofka aad wax ka dooneysid. Carruurta yaryar wey ooyaan goortey gaajoodaan ama xanuunsadaan, hooyaduna wey dareentaa deetana tallaabo qaaddaa.

Soomaalaay, haddaad horey u maqasheen “kab iyo xaarkeed ba waa laysla tuuraa”, kolley ma habboona in cagta kugu jidho kab xaar ku larnaato, waayo, urka xaarka kahor, waa cayb in rag kula mid ah aad la xaajootid adoo cagtaada seyreysa ur aan loo adkeysan karin. Hadalkaa waxaan ula golleeyahay, waa in aad iska tuurtaan heeryada guumeysiga ee aad sida biyaha u qudhqudhineysaan, waana afafka shisheeye ee hooyadii caloosha 9-bilood kugu sidday aysan kula fahmeyn. Sow wax laga yaqyaqsooda ma aha in 100 wiil oo Soomaali ah oo laga soo kala uruuriyay dhowr waddan oo ka tirsan Yurub in la geeyo geyi Soomaali si ay ugu tartamaan kubadda cagta deetana loo kala tarjumo maadaama ay ku hadlayeen afaf shisheeye?

Gunti iyo gebagebadii, “waayeel wedkiisa wuu yaqaannaa.” Inta goori goor tahay, dhaxalka “Walaalkeyga iga weyn” yaanan loo deymo la’aan. Buug qaamuus ah oo ka kooban 347 bog ma aha wax la dhayalsan karo.

Aadan Makiina

adan.makina@gmail.com

WardheerNews