The proverbs shown on this site
One of these appears on the front page each time it is loaded. The whole set is listed here.
Two hundred and forty-nine of them are the Somali paremiological minimum: the proverbs that the paremiological experiment found to be known to more than half of the speakers questioned. They are given below in the order the experiment established, from the one proverb every single respondent knew down to those known to just over half. That percentage is the finding, and it is what makes this list something other than an anthology.
The corpus comes from Hubsiimo hal baa la siistaa (Moscow, 2002). Four further proverbs are quoted in papers published on this site and can be read there in context.
Who holds what rights, and what may be reused without asking, is set out on the Terms & Copyright page. In short: the Somali proverbs are traditional and belong to no one. The English translations and the explanatory notes are the author’s own work. The Russian lines are working renderings of his English, not his published Russian versions; they are marked as such until the author has read them through.
Download the set (253): JSON · CSV
Established by the paremiological experiment
Known to 100.00% of respondents 1 ↑
Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa
Known to 97.77% of respondents 2 ↑
Allow, nimaan wax ogayn ha cadaabin
Hubsiimo hal baa la siistaa
Known to 95.55% of respondents 4 ↑
Af jooga looma adeego
Naftu orod bay kugu aammintaa
Nin tuur lihi siduu u seexdo isagaa yaqaan
Shimbirba shimbirkiisuu la duulaa
Known to 93.33% of respondents 4 ↑
Af wax cunay, xishow
Beeni raad ma leh
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan
Habar fadhidaa legdan la fududaa
Known to 91.11% of respondents 9 ↑
Ama afeef hore lahow, ama adkeysi dambe lahow
Barasho horteed hay nicin
Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa
Col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan
Dawaco meeshay macal uga baratay ayay macaluul ugu baqtidaa
Jinni ninkii keenaa bixiya
Miro gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadiyo
Naag been waa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa
Nin weyni wedkii waa yaqaan
Known to 88.89% of respondents 5 ↑
Aqoonla'aani waa iftiinla'aan
Aroos lagama raago, lagumana raago
Haddaan la kala roonaan, roob ma da'o
Kaadi-badane waa loo gogol badiyaa
Nin aanad saacad ku baran sanad kuma baratid
Known to 86.67% of respondents 11 ↑
Abaal nin gala waa la arkay, nin gudase lama arag
Beentaada hore runtaada danbay u baas baxdaa
Canjeelo siday u kala korreyso ayaa loo cunaa
Gari laba nin kama wada qosliso
Haddaad dhimaneysid dhareerka waa layska duwaa
Nin aad dhashay kuma dhalin
Nin dhintay kabihiisaa dhaama
Nin is faanshay waa ri' is nuugtay
‘Waan baahan ahay’ bakhtiga looma cuno
Waayeel ‘tag’ lama yidhaahdo ee wuxuu ku tagaa la tusaa
Wax badso wax beel bay leedahay
Known to 84.45% of respondents 13 ↑
Abkay doolli dilow, dad nool maas u daahaa?
Bidaari sibiq bay kugu gashaa
Doqoneey, dabkaa ba'!
Doqoni calaf ma leh
Gaal dil, gartiisana sii
Hadal haan ma buuxsho
Laba qaawani isma qaaddo
Lamahuraan waa cawska jiilaal
Nin kuu digay kuma dilin
Ninkii seexdaa sicii dibi dhal
Salaad walba waqtigeedaa la tukadaa
Timir laf baa ku jirta
Waano abuuris baa ka horreysay
Known to 82.23% of respondents 12 ↑
Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la kulantaa
Dab munaafaq shiday mu’min baa ku gubta
Dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa
Kud ka guur oo qanjo u guur
Mas madaxaa laga dilaa
Nin aan shaqaysan shaahi waa ka xaaraan
Nin daad qaaday xunbo cuskay
Nin lagu seexdow, ha seexan
Ninkii ‘soo joog’ laga waayo ‘soo jiifso’ ayaa laga helaa
Oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
Timirtii horaba dab loo waa
Wax la qariyo qurun baa ku jira
Known to 80.03% of respondents 14 ↑
‘Aabbahay baa xoolo lahaan jiray’ ‘anigaa dameer leh’ ayaa ka roon
Awrba awrka ka horreeya ayuu saanqaadkiisa leeyahay
Biyo intaysan ku soo gaarin ayaa layska moosaa
Damiin faro waaweyn baa wax loogu qoraa
Far keliya fool ma dhaqdo
Laga barayba laga badi
Mukulaal mininkeeda joogtaa miciyo libaax bay leedahay
Naag nin dhali karaa dhaqa
Naagi nin ay taqaan nin ma mooddo
Naago ama u samir, ama ka samir
Naago yaraan ma leh
Nin walba kitaab qummane ah ayaa qoorta ugu jira
Soomaalidu been waa sheegtaa, beense ma maahmaahdo
Wax is weyddiini ma xuma ee wax is weydaarsi baa xun
Known to 77.81% of respondents 14 ↑
Ama waa la muuqdaa, ama waa la maqnaadaa
Belaayo kaa sii jeedda layskuma soo jeediyo
Biyo sacabbadaada ayaa looga dhergaa
Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo
Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalayuu ku tusaa
Dani xishood ma leh
Geel laba jir soo wada mar
Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
Ilko wadajir bay wax ku gooyaan
Meel ‘hoo’ u baahan hadal wax kama taro
Nin aad taqaan ‘yaad tahay?’ lama yiraahdo
Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha
Quud aan jirin qoryo u guro
Shimbiri mar bay dab qaadday, markiina buulkii hooyadeed bay gubtay
Known to 75.59% of respondents 9 ↑
Ama talo keen ahow, ama talo raac ahow
Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa
Baqtiga ma cunee fuudkiisaan cabbaa
Biyo meel godan bay isugu tagaan
Farta iyo meesha buktaa is og
Nin xil qaaday eed qaad
Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara
Tuug intaadan ‘tuug’ dhihin buu ‘tuug’ ku dhahaa
Waari mayside war ha kaa haro
Known to 73.37% of respondents 9 ↑
Dameeri dhaan raacday
Doofaar ficilla'aan baa loo cadaabaa
Eebbe ma naxee waa naxariistaa
Hadal intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaan yahay
Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
Mar i dage Alle ha dago, mar labaad i dagase anaa is dagay
Naag feedh qalloocan baa laga abuuray
Nin soori kaa qaadday waa nin seefi kaa qaadday
Tuug tuug ma xado
Known to 71.15% of respondents 14 ↑
Af daboolan waa dahab
Ayax teg, eelna reeb
Colaadi yaryaraysi ma leh
Dheriga karka kulaylkaa ka keenay
Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do
Intaadan falin ka fiirso
Ishiisa-laga-arkaa ushiisa lagu tumaa
La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan
Maroodigu takarta saaran ma arkee kan kale tan saaran ayuu arkaa
Meel il laga la'yahay haddaad tagto, il baa layska ridaa
Nin aan kuu furi doonin yuu kuu rarin
Nin bukaa boqol u talisay
Waraf iyo shimbiro war isuma hayaan
Waxaan ku cuninba waa la cunaa
Known to 68.93% of respondents 10 ↑
Bannaankiisa-mare maradiisa geed ma qabsato
Baqal fardo la daaqday faras bay is mooddaa
Ciirtaa-dhamaa ceebtaa yaqaan
Dameeraha tan ugu foosha xun ayaa ugu haraanti kulul
Doqonta usha agteeda ku dhufo, hadday garan weydana gogga u geli
Dhegi meel dheer bay ku dhacdaa, dhagaxna meel dhow
Kuu-sheekeeye, kaa-sheekeeye ha la sheekeysan
Ninkii qayrkii loo xiirayow, soo qoyso adiguna
Sir-ma-qabe Allaa u sahan ah
Wixii uurkaaga ku jira afkaa kaa xada
Known to 66.71% of respondents 11 ↑
Arrini madax la qabtay leedahaye mijo la qabto ma leh
Been sheeg, laakiin been run u eg sheeg
Beenlow nin dhintay iyo nin dheer ayuu marqaati u qabsadaa
Dameeri isku-halleyn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa
Dhar magaalo intii laga xirto waa dhow tahay, dhal magaalase intii lagu noqdo waa dheer tahay
Gabar guri ha kaa gasho ama god
Gari Ilaah bay taqaan
‘Geel baan lahaan jiray’ ‘dameer baan leeyahay’ baa dhaanta
Naag kun baa koodisa iyo kow, kowgaana guursada
Nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo
Nin sigtay ma noola
Known to 64.49% of respondents 18 ↑
Awr awr wado iyo nin naagi waddo, midna kaama baydho
Booraan hadimo ha qodin, ku dhici doontaana mooyee
Carruurnimo waa ciil laga weynaaday
Dan iyo xarrago is weyday
Dhagarqabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa
Dhurwaa kan ciya iyo kan aammusan, kan ciyaa roon
Erayga alifka ku qalloocdaa al bakhra kuma tooso
Geeljire geela waa wada jiraa, waana kala jiraa
Geeriyi nin aanad garanayn iyo geeljiray ku roon tahay
Kab iyo xaarkeed waa laysla tuuraa
Markii aan tamar hayayna talo ma hayn, maantoon talo hayana tamar ma hayo
Nin qoyani biyo iskama dhowro
Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa
Saddex baa rag ugu liita: ma-toshe, ma-tashade iyo ma-tashiishe
Sidaad dooneyso haddaad weydo, sidaad ka badin weyso ayaa la yeelaa
Sidee xeego loo xagtaa, ilkana u nabad galaan?
Tuug la qabtay talo ma leh
Weysha gowrac, dibigu ha ku quustee
Known to 62.27% of respondents 17 ↑
Abeesadii lix jir kugu qaniintaa lixdan jir bay kugu dishaa
Adduunyo waa hooska labadiisa gelin
Ama leg hay, ama lug hay
Caado la gooyey caro Allay leedahay
Cadowgaaga caano mac ayaa la siiyaa
Dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho
Dhar aanad lahayni dhaxan kaama cesho
Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa
Hadday geeriyi ku deyn lahayd, gabow baan ku daayeen
Nin aad fadhi kaga adag tahay looma sare joogsado
Nin aan baqin waa loo baqaa
Roonaa Rabbaa og
Saddex waa layku nacaa: baryo badan, bukto badan iyo baahi badan
Sir naageed lama sal gaaro
Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa
Ushaada nin aad ka qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa
Waxaad barataaba waa baaskaa
Known to 60.05% of respondents 17 ↑
Ballandarro waa diindarro
Belo ama il la'ayd, ama lug la'ayd
Dad iyo duurba wax aadan filayn baa kaaga soo baxa
Doqoni sokeeye ma aha
Dheri ninkii ag jooga ayaa lafta kala baxa
Gacantii qaad-qaad barata gummudkeedaa dhaqdhaqaaqa
Gadaal-ka-gaar waa goob-dumis
Laba kala bariday kala war la'
Lax dhukani abaar moog
Lax walba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa
Marti badan iyo baryo badanba waa laysku nacaa
Naago nin ay legdaan kama kacaan
Nin aan dhididini ma dhergo
Qaybshe qad ama qaaday
Rag waa shaah, dumarna waa sheeko
Salaadi siday kuu qabataa loo tukadaa
Xisaabi xil ma leh
Known to 57.83% of respondents 13 ↑
Doqonnimo daawo ma leh
Dhagax taabasho iyo tuujin waa isugu mid
Fuley habartii ma gablanto
Ilko abeeso hoos bay ka xidhiidhaan
Iskaashato ma kufto
Labaatanjir intuu geed ka booduu talo ka boodaa
Matag meeshaad doonayso kuguma simo
Meel lagaa jecel yahay haddaad ka tagtid, meel lagaa neceb yahay ayaad tagtaa
Nin aad kabtiisa toleysid oo kafantaada tolaya
Ninba intuu cunuu ciidamiyaa
Qooq ma jabee ninkiisaa jaba
War la qabaa xiiso ma leh
Waxaad taqaan guurso, waxaad taqaan ha kuu dhashee
Known to 55.61% of respondents 15 ↑
Calool dheregsani calool baahan kama naxdo
Daacadi ma hungowdo
Doqoni xadhkaha lagu xidhayo xusulladay ku sidataa
Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa
Geesi Allah ma xilo
Khayr wax kaama dhimee shar u toog hay
Kula-jire, kaa-jire
Meel siday u taallo ayaa loola yaallaa
Nin intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa
Nin kaa hadal badan dhaxalka aabbahaa ayuu kaa qadiyaa
Nin sabraa sed leh
Ninkii boqolka soomay oo bakhtiga ku affuray
Qori iyo qiiqiisa waa laysla tuuraa
Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola
Talo isuma kaa sheegto
Known to 53.39% of respondents 15 ↑
Bakayle intuu bur ku jiruu bur kale daydaydaa
Baroorta ceesaanta ka weyn
Belaayo intay kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
Caano daatay dabadoodaa la qabtaa
Doqon wixii casarkii lagu caayo ayay cishihii kugu caaysaa
Doqoni meeshii lagu dagaalay waa ogeyd ee meel lagu heshiiyey ma ogeyn
‘I jiid’, ‘aan ku jiidee’ waa gacmo-daalis
Intay calooshu buki lahayd cagtu ha bukto
La-yeele ma hilmaamo, laakiin yeele wuu hilmaamaa
Nin aan dhul marini dhaayo la’
Oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan baa loo kala guraa
Qabri qori-saarid mooyee qori-ka-qaadid ma leh
Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma leh
Sidaan kuugu lisay iiguma hambayn
Sinji waa magguuraan
Known to 51.17% of respondents 12 ↑
Bilsaddex gurigaagana way kaa kexeysaa, guri kalana kuma gaarsiiso
Carruuri haddii aad kuftid way kugu qososhaa
Hadday fooli timaaddo, gudo-qarsiimo hadhay
Harag sagaaro ‘iiga kac’ mooye ‘iiga durug’ ma leh
Helmaan hadal kuma jiro
Madax ka kor meel la salaaxo ma leh
Maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa?
Nin gardaran ma guuleysto
Sir-ma-qabe saab baa biyo u celiya
Wadiiqada yari waddada weyn bay kugu riddaa
War jiraaba cakaaruu iman
Wax qof la toosan baa qof kale la tuur leh
Quoted in papers published on this site
Naagla'aani waa nafla'aan
Naag waa belaayo loo baahan yahay
Tuug wax ka tuhun badan
Subax iyo sadar, subax baa badan