Георгий Леонидович Капчицсомалийский язык и фольклор · академическая витрина

Festifaalka Toddobaadka Soomaalida 2011ka ee London iyo ka soo Qaybgalka Dr Georgi Kapchits

Maxamed Xasan «Alto» о Неделе сомалийской культуры 2011 года в Лондоне и об участии в ней автора. Из архива прежнего сайта автора kapchits.narod.ru; первоначальное издание в тексте не названо.

Festifaalka Toddobaadka Soomaalida 2011ka ee London iyo ka soo Qaybgalka Dr Georgi Kapchits

Waxaa dhowaan mar kale qabsoomay Festifaalka Toddobaadka Soomaalida [FTS] ee London ee sannadlaha ah oo gacansaar la lahaa Redsea Online. FTS 2011ka wuxuu festifaalladii taxanaha ahaa ee London, Boqortooyada Midowdey, ku qabsoomi jirey laga soo billaabo 2004tii, ka galay taariikh lama illaawaan ah. Wuxuu noqday kii ugu tayo iyo tamar wacnaa. Waxay dulucda FTS ee sannadku ahayd tarjumid. Waxaa la soo bandhigey buugag tarjuban oo tiro badan. FTS wuxuu sannadkan wada shaqeeyn la lahaa Xarunta Tarjumidda Maansooyinka iyo Agaasimaheeda Gabyaa Sarah Maguire. Waxay XTM tarjuntay maansooyin xul ah oo ay leeyihiin dhowr gabyaa oo ku casumnaa FTS.

Waxaa FTS 2011ka lagu soo martiqaaday oo ka soo qaybgalay dad aad u tiro badan oo caan ah oo ka kala yimid qaaradaha Afrika, Waqooyiga Maraykanka iyo Yurubta. Waxaa dadkaasi ka mid ahaa qoraaga caanka ah Dr Georgi Kapchits. Nin weeye dhalashadiisu Ruush tahay, haseyeeshee, khabiir ku ah dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan xagga sheekaxariirooyinka, maahmaahyada, odhaahyada iyo qurubyada naxwaha afka Soomaaliga. Muddo dhowr iyo afartan sano ah buu barasho, baaris, ururin, kaydin iyo qoraal ku hayay afka Soomaaliga. Waa ruugcaddaa looga dambeeyo afka, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Toddoba buug iyo maqaallo tiro badan oo mowduucyadaas ka hadlaya oo intooda badan lagu tarjumay afafka Ruushka iyo Ingiriisiga ayuu qoray. Dr Kapchits muddo aad u dheer ayuu weriye ka ahaa laantii afka Soomaaliga ee Raadiyo Moosko.

Sabti 22kii Oktoobar 2011 buu FTS ka billaabmay Oxford House, Bethnal Green, London. Fiidkii xigey oo Axad ahayd ayuu Georgi caweeyska qaatay, halkaas oo uu ku soo bandhigay qaar ka mid ah qoraalladiisa isla markaasna si qoto dheer uga hadlay xigmadda, murtida iyo quruxda luqadda Soomaalida. Wuxuu si gaar ah uga warramay mugga, sarbeebta, humaagga maahmaahyada, odhaahyada iyo sheekaxariirooyinka Soomaalidu leeyihiin. Wuxuu sheegey in dad badan oo shisheeye khabiirro luuqyahanno ah ay murtida iyo xigmadda Soomaalida qiimo weyn iyo qaddarin gaar ah siiyaan. Goobjoogayaashii habeenkaas si wacan ayay ula dhaceen muxaadaradii uu Dr Kapchits halkaas ka soo jeediyey.

Ugu dambeeyntii, habeenkii xidhitaanka FTS, Oktoobar 30dii, wuxuu Dr Georgi Kapchits siiyey dadweynihii Soomaaliyeed ee halkaas isugu yimid, ee ka koobnaa da’yar, da’dhexaad iyo da’weyn, lahaa rag iyo dumar, dardaaran isugu jirey talabbixin iyo gubaabin ku aaddan sidii afka Soomaaliga loo xafidi lahaa, jiilalka haatan soo korayana, gaar ahaan kuwa ku dhashay, ku dhalanaya ama ku barbaaraya qurbaha, loo bari lahaa afkooda hooyo. Wuxuu yidhi: “Muddo toban maalmood ah ayaan ku dabaalanayay badweynta afka, suugaanta, murtida iyo maansada Soomaaliyeed, anigoo aad u faraxsan. Mar haddaan aqoonyahan ahay waxaan u bartay shirarka cilmibbaarista ee lagu lulmoodo, mararka qaarkoodna lagu seexdo. Tobankii fiidad ee uu FTS London ka socday mooyaane, habeennadii ka dambeeyey ma aan seexannin. Waayo waxaa hurdadii iga xaday rayrrayntii, farxaddii iyo himmaddii uu FTS igu abuuray. Waxaan mahad kal iyo laab ah u celinayaa Ayan Canshuur iyo Jaamac Muuse Jaamac iyo kalkaaliyaashoodaba oo si qumman u abaabulay FTS. Afka Soomaaliga ee aynnu ku wada hadalno waxaan u haystaa in uu yahay udubdhexaadka iyo lafdhabarka jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed, qof walba oo i dhegeysanaya waxaa waajib ku ah inuu si kasta ay noqotaba uu dhowro oo uu hormariyo afkiisa hooyo. Waxa kale ee dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahan yihiin waa nabadda. ‘Nabad baa caano macaan’, ayaa la yidhi. Maahmaahda kale ee qotada dheer leh ee abkii hore laga dhaxlay waxay leedahay: ‘Walaallo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yareeystaan, walaallo is necebina waa xoolo yareeystaan oo xabaalo bataan’. Yaan taa la illoobin! Waxaan qof kasta oo Soomaali ah, meel uu joogaba, u rajeeynayaa barwaaqo, badhaadhe, bashbash iyo bariis caano leh,” ayuu Dr Georgi Kapchits hadalkiisii ku soo gebaggebeeyey.

Maxamed Xasan “Alto”