Георгий Леонидович Капчицсомалийский язык и фольклор · академическая витрина

Qaamuuska Maahmaahyadu waa Qiimo Gal

Ibraahim M. Deeq о «Qaamuuska maahmaahyada soomaaliyeed» (1998). Somalitalk, 12 сентября 2002; перепечатано под заголовком «Qaamuuska Maahmaahyada» в антологии KAYDSO: Qoraalladii Warsidaha BADSO 2014–2017, с. 418–421 (перепечатка разрешена антологией).

Qaamuuska Maahmaahyada Ibraahim M. Deeq 24 Apr 2015

QAAMUUSKA MAAHMAAHYADA SOOMAALIYEED Wq Georgi Kapchits 206 bb. Vostochnaya Literatura Publishers.

TIFAFTIRKA: Qoraalkan [milicsiga ah ee] sida gobannimadu ku jirto inoo taabsiinaya qaayaha weyn ee buugga, Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed [http://dspace-roma3.caspur.it/handle/2307/2164] ee uu qoray Dr. Kapchits waxa uu ku soo baxay Somalitalk sanadkii 2002 [Khamiis, Sebtember 12, 2002]. Waxaan u mahad celinaynaa qoraha noo oggalaaday in aan halkan ku daabacno qoraalkan. [Dheeraad: Cinwaanka qoraalkani waxa uu ahaa: “Qaamuuska Maahmaahyadu waa Qiimo Gal.”]

Af kasta oo dunida lagaga hadlaa wuxuu leeyahay murti iyo maahmaah miisaan xigmadeed oo lagu jeclaysto tiraabta huwisa. Afafkuna dhinaca maansada iyo xagga murtida iskaga mid ma aha, ee waxaa jira luuqado maansada iyo maahmaahdaba loo og yahay. Af- Soomaaliga ayaana ka mid ah luuqadaha murtida qiimo galka ah loo aqoonsan yahay. Laakiin, in kasta oo ay Soomaalidu dhaqan wanaagsan iyo af murti hodan ku ah Eebbe weyne hibo u siiyey, haddana waxaa arrimahaas hiddaha ah saameeyay dayac ballaadhan, oo murti badan galaaftay. Waayo, Soomaalidu tixgelin sidaa u qoto dheer ma siiyaan waxyaabaha hiddahooda ka turjumaya, ee ay gaarka u leeyihiin. Mararka qaarkoodna waxaabad arkaysaa Soomaalida oo waxa ay leeyihiin uga dadaal badan waxyaabo ay dad kale hidde iyo dhaqan u leeyihiin. Murtida iyo maahmaahyada Soomaaliyeedna waa kuwo si weyn u cajab geliyay qaar ka mid ah aqoonyahannada caalamka ee cilmiga baadha, ee sida hubsiinada leh murtida Soomaalida u dhex galay.

Aqoonyahannada sida geesinnimadu ku dheehan tahay murtideenna ugu dhabbo galay, una baylah tiray, waxaa calanka u sida caalimka taariikhda Soomaalida baalka dahabiga ah ka galay, Dr. Georgi Kapchits—badibana ay Soomaalidu ku xasuusato barnaamijkii uu Raadiyo Moosko ka soo jeedin jiray ee ahaa:

“Waxaan idinka sugayaa waraaqo.” Buuggiisa aan maanta wax ka odhanayaana waa kan la magac baxay, Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed, oo uu ku uruuriyay in ku dhow 6,000 oo maahmaahood. Maahmaahda waxaa loo cuskadaa doodaha, khudbadaha iyo qoraallada. Waxaa kaloo loo adeegsadaa wada hadalka, waanada, wacdiyada diiniga ah—habaynta iyo hodanaynta guud ee hadalka.

Waana tii ay Soomaalidu ku maahmaahday: Hadal aan maahmaah lahayni waa hilib aan mindi lahayn. Waxaa kaloo murtideenna ku jirta maahmaah odhanaysa: War aan murti lahayn waa laga aamusaa. Inta badan maahmaahyadu waxay ka baxaan gole ay guurti gayr- gayr ahi gorodda isku dareen, oo ay xaal adduun iyo xaajo taagan wax ka qabashadeeda ku falanqeeyeen.

Haddaba, iyada oo ay maahmaahyada Soomaaliyeed qiimahaas aan la soo koobi karin ku fadhiyaan haddana tiro aad u yar ayaa ka diiwaan gashanayd, oo marka baaxadda maahmaahyadeenna la jeedaaliyo waxaa la odhan karaa waxba lagama qaban ka hor Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed ee uu 1998kii Dr.

Kapchits, oo ah aqoonyahan Soomaalida iyo suugaanteedaba jeceli, ku faro yaraystay. Qoraha buuggu wuxuu ku takhasusay af-Soomaaliga; in baddana wuxuu ku shaqaynayay Af-Soomaaliga. Buuggan miidda iyo malabka aan la heli karin inoo xambaarsanina ma aha waxqabadkii ugu horreeyay, ee saaxiibkeen Kapchits uu inoo meeleeyay, ee wuxuu horay suugaanta Soomaalida uga qoray kutub ay ka mid yihiin: Mahmaahyo Soomaaliyeed (1983); Waxaa la Yidhi iyo Sheekooyin Hidde ah (1996); Sheekooyin Soomaaliyeed (1997). Kuligoodna waa madhax uu Kapchits ummadda Soomaaliyeed u kaydiyay.

Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed wuxuu noqday agabka ugu ballaadhan ee maahmaahyo Soomaaliyeed si cilmi ku dhisan, oo si weyn looga baaraan degay, meel loogu ururiyay. Buuggu wuxuu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah: 1- Maahmaahyo hal tix ah: Aan wada hadalo waa aan heshiino.

2- Maahmaahyo tix ka badan: Xooroow qadhmuunidaa, sidaasaanba ku weyso qabaa. 3- Tirooley: Saddex baa rag u liita: ma tashade, ma tashiishe iyo ma toshe. Saddexda qaybood waxaa ugu tiro badan tan ugu horraysa.

Waxaana xusid muddan qoraha, oo sidii maahmaahda loo soo gaadhsiiyay u diiwaan geliyay. Masalan hal maahmaah oo ay shan qof soo kala weriyeen, oo odhaah ahaan wax yar ku kala duwan laakiin isku macno ah, ayuu mid waliba siduu u yidhi u daabacay—taas oo u dhow inay ku qotonto sida maahmaahda looga yaqaan qof waliba gobolkii uu ka soo jeeday; taasina ay keenayso inuu qof waliba siduu maahmaahda u yiqiinnay qaamuuska uga dhex arko. Weliba arrintani waxay qaamuuska u yeeshay qiimo wanaagsan oo aan horay loo arag. Wuxuu kaloo qoruhu ammaan illaa iyo xad durugsan ku mudan yahay miisaanka uu u isticmaalay markuu doonayay inuu ogaado maahmaahda asalka ah ee ay maahmaahyadaas shanta siyood loo weriyay ka soo farcameen, oo uu u maray inuu aasaas ka dhigo sida ay dadka u soo weriyay u bateen.

Waxyaabaha tirada badan ee qalbigayga soo jiitay, isla markaana uu maankaygu u qushuucay, waxaa ka mid ah buugga oo u daabacan si tayo sare leh, oo aad mooddo in loogu talo galay inuu muddo dheer sidaas ku waaro. Buugga waxaa ku urursan maahmaahyo aan marnaba looga maarmi karin nolosha caadiga ah ee bani’aadamka.

Qaamuusku wuxuu qof kasta oo wax qora ama jeclaysta inuu arrin ka hadlo ka kaalmayn karaa inuu si hawl yar u helo murti uu qormadiisa ama tiraabtiisa ku xoojiyo. Maahmaahda oo had iyo goor hadalka lagu ladhaana waxaa lagu gaadhaa ujeeddada la doonayo in la meel mariyo. Waayo waxay dhumuc iyo dhadhan sare u yeelaysaa aftahammada qofka wax jeedinaya.

Marka aad buuggan daalacato waxaad ku farxaysaa sida uu Kapchits, isaga oon Soomaali u dhalan, fahanka maahmaahyada Soomaaliyeed ugu fogaaday. [Fiiri] kuwa uu maahmaahyadeenna ugu jecel yahay, oo ah qaybta maahmaahyadeenna ugu qiimaha badan, oo ah kuwa leh macno ku dhex qarsoon, sida: Laf iyo dhagax la isku waa’—oo macnaha ku qarsooni uu yahay in aysan wax dhamaystirani jirin. Waxaan kaloo aad u jeclaystay gogoldhigga buugga oo uu qoruhu si weyn ugu lafo guray maahmaahyada iyo qaabka buugga. Wuxuu xiskaygu u qushuucay marka uu qoruhu is bar bar dhigayo maahmaahyada Soomaalida iyo kuwa Ruushka, sida: Shan beri shiikh laguma noqdo (Soomaalida) Mar qudha geed laguma gooyo (Ruushka) Waxaad arkaysaa in waxa la adeegsanayaa kala duwan yahay, laakiin uu macnuhu isku mid yahay; dadka labada maahmaahood kala lihina ay dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba aad u kala fog yihiin.

Taasina waa mid caddayn u ah xidhiidhka dhabta ah ee dareenka bani’aadamka ka dhexeeya. Waxaan jeclaan lahaa inuu walaalkay Kapchits is bar bar dhig faro badan ku sameeyo xidhiidhka ka dhexeeya maahmaahyada ay ummadaha kala duwani kala adeegsadaan, sida uu gogoldhiggaba tusaalayaashan loo bogey ugu soo qaatay.

Buuggan murtidii hiddeheenna xambaarsani wuxuu ku qoran yahay af-Soomaali badhax tiran, oo aan wax laaxin ah lagu ogayn. Sababtoo ah, waxaa qoray af-Soomaaliyahan luuqdeenna hooyo fahankeeda iyo adeegsigeeda ku talax tegey. In kastoo aan codkiisa aqaannay waxaannu si rasmi ah isagu barannay Magasiinka Gacal, oo runtii ahaa gogol ay wax garadku isku arkaan. Kaddib waxaannu illaa iyo hadda leennahay xiriir joogta ah. Taas oo aan si weyn ugu faraxsanahay. Dr. Kapchits waa nin dadka Soomaalida aad u jecel, oo la walaaloobay. Waxaanan marnaba illoobi karin ereyo xusuus mudan oo uu iigu soo qoray xaashidii ugu horraysay ee aan ka helo. Waxaana ka mid ahaa ereyadan: “Sidaan ogahay Kenya waxaa jooga Soomaali badan. Ma isku duuban tihiin? Mise waad kala daadsan tihiin? Kal hore waxaan booqday arlada Denmark la yidhaahdo: Waxaan la yaabay sida ay u badan yihiin ururrada u kala gaarka ah Soomaalida aan saas u tirada badnayn ee Denmark ku nool. Yaan la illaawin murtida leh: Shan nin oo marti qayb leh, shanshaa ka go’da, Shan nin oo aan marti qayb lahayna SHAN shanshaa ka go’da.”

Taas waxaan marag uga dhigayaa sida uu Kapchits Soomaalida u jecel yahay, xaaladahoodana uga war hayo, una waaninayo. Qaamuuskani waa hoobaan uu Kapchits ka soo gurbiyay kaymaha midhaha murtida hodanka ku ah ee carradeena hadheeyay. Waa tixraac sal adag, oo loo daliishan karo dhilidda iyo turxaan bixinta xaajooyinka adkaada ee in la furdaamiyo u baahan. Waa dhaxal uu jiilba jiil u sii gudbin doono, oo faro ciddi leh kaga fakaday inay qoraal la’aan la dhumaan. Waa koosaar aan marnaba laga dhergi karin, oo u diyaarsan in si sahlan loo adeegsado. Waa waxqabad ka turjumaya inay Soomaalidu leedahay murti uu qof kastaa isticmaali karo, shisheeyahana loogu faani karo. Waa fal qiimo iyo qaayo aan la soo qaydi karin ku qotoma, isla markaana qoraaga qorshaha qaamuuskan dahabka ah soo qaabeeyay si qalbi-san qadarin aan la qiyaasi karin loogu quudhi karo. Kapchits waa walaalkeen; walaalna waa garab.