Tol waa nin qumman qabanqaabadiis iyo nin qalloocan qabanqaabadiis
Qoraal uu Dr. Georgi Kapchits ku daabacay WardheerNews 1 Oktoobar 2014, oo ah faallo maqaalka Ibraahim M. Deeq “Kala Miirka Maahmaah iyo Odhaah, Gabay iyo Hees”. Kala-qaybinta halkan lagu soo bandhigo waxay ku salaysan tahay habka G. L. Permyakov — eeg Naxwaha iyo weedh-dhiska. Qoraalku wuxuu u yaal sidii uu qoraagu u qoray, waxbana lagama beddelin.
Si xiise leh, ayaan u akhristay maqaal uu qoray Ibraahim M. Deeq uuna magac uga dhigay “Kala Miirka Maahmaah iyo Odhaah, Gabay iyo Hees”, waxayna ila noqotay in maqaalku uu mudan yahay in laga faalloodo, siiba qaybtiisa ku saabsan maahmaahyada iyo odhaahyada. Qoraagu aad buu uga welwelsan yahay in si qumman loo kala garan waayo laba shay oo kala ah Maahmaah iyo Odhaah. Waxaase nasiibdarro ah in maqaalkiisu intuu toosin lahaa arrinta uu khuseeyo uu sii qalloocinayo. Tol waa nin qumman qabanqaabadiis iyo nin qalloocan qabanqaabadiis!
Qoraagu, tusaale ahaan, wuxuu yidhi: “Odhaahdu waa hadal kooban”. Markaa haddii sidaa uu sheegay aan u qaadono, waxaad mooddaa in maahmaahduna ay tahay hadal ballaadhan. Wuxuu kaloo yidhi: “Mahmaahdu waa murti”. Miyaanay odhaahduba murti ahayn? Wuxuu haddana yidhi: “Maahmaahdu xaraf bay ku socotaa”. Nin daad qaaday xumbo cuskay, oo aan xaraf ku dhisnayni sow maahmaah ma aha? Taa waxaa weliba u sii dheer in Waari mayside war ha kaa hadho ee uu qoraagu uu u haysto odhaah ay xaraf ku dhisan tahay. “Odhaahda qiso baa ka dambaysa”, ayuu mar kale yidhi qoraagu. Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa ee la wada yaqaanno, qisana ay ka dambeyso ma odhaah baa mise waa maahmaah? Ratigu rar-xumadii reeryo-cun buu ku darsaday!
Noocyada ay murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed u kala baxaan (proverbial clichés)
Waxay dad badani u qabaan in murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed ay u kala baxaan laba nooc oo kala ah: maahmaah (proverb) iyo odhaah (saying). Runtuse waxay tahay in ay u kala baxaan ugu yaraan laba iyo toban jaad. Dhinaca naxwaha haddii laga eego murtimaahmaaheedka Soomaaliyeed waxay u kala baxaan kuwo ka kooban weedh qudha (one-phrase clichés) iyo kuwo ka kooban weedho dhowr ah (supra-phrase clichés).
Isla markaasna murti-maahmaaheedka ka kooban weedh qudha waxaa loo kala qaybin karaa kuwo xidhan (kuwaasoo aan waxba laga beddeli karin) sida Awr awr wado iyo nin naagi waddo midna kaama baydho iyo kuwo furan (kuwaasoo wax laga beddeli karo ama wax lagu dari karo) sida Hal bacaad lagu lisay (waxaa la odhan karaa: Hal bacaad baad ku listay…Hal bacaad buu ku lisay ku wad). Kuwa hore waxaa loo bixin karaa maahmaahyo, kuwa dambana – odhaahyo.
Murti-maahmaaheedka oo ka kooban weedho dhowr ah, ayaguna waxay u kala baxaan kuwo hal jile uu ku jiro1 (Shabeel baa beri libaax ku yiri: “Libaaxow, bal ama boqol nin la xoog noqo, ama boqol nin la xirrib noqo.”) iyo kuwa ay ku jiraan laba jile (–Daayeerow, qadhaab ka warran? – Tunkayga iyo tagooggayga ka eeg).
Murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed macnaha ku qarsoon saddex siyaalood bay ku kala muujiyaan: ama sarbeeb bay ku muujiyaan (Diqsi biyo ku dabaal bartay Fuud buu ku gubtaa), ama si toos ah bay ku muujiyaan (Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa) amase waxay ku muujiyaan dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen ee haddii aan la aqoon macnahoodu uu mugdi yahay (La jiifshaana bannaan, la joogshaaba bannaan).
Haddii laysku daro hababka ay murti-maahmaaheedku ku kala dhisan yihiin iyo siyaalaha ay ku kala muujiyaan dulucdooda, waxaa soo baxa laba iyo tobanka nooc ee ay u kala qaybsan yihiin:
A. Murti-maahmaaheedka ka kooban weedh qudha (One-phrase clichés)
I. Maahmaahyo (weedho xidhxidhan)
- Maahmaahyo dhab ah (oo machaha ku dahsoon si maldahan ku muujiya): Maroodigu takarta saaran ma arkee kan kale tan saaran ayuu arkaa.
- Maahmaahyo toosan (oo macnaha ku dahsoon si toos ah ku muujiya): Been sheeg, laakiin been run u eg sheeg.
- Maahmaahyo qarsoon (oo macnahoodu uu ka muuqdo dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen): Tuugow hillaaca yaa kula ogaa.
II. Odhaahyo (weedho furfuran)
- Odhaahyo dhab ah (oo machaha ku dahsoon si maldahan ku muujiya): Markii geel loo heeso yuu dameerro u heesaa.
- Odhaahyo toosan (oo macnaha ku dahsoon si toos ah ku muujiya): Camalkaa xeero buuxduu kaa qadiyaa.
- Odhaahyo qarsoon (oo macnahoodu uu ka muuqdo dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen): “Yax” lahaydaa!
B. Murti-maahmaaheedka ka kooban dhowr weedh (Supra-phrase clichés)
I. Murti-maahmaaheedka uu hal jile ku jiro
- Murti-maahmaaheedka uu hal jile ku jiro ee macnahooda si maldahan ku muujiya: Goroyo waxay tiri: “Cayaarta lug baan gashanayaa. Haddii ay fiicnaatana waan la soo wada galayaa, haddii ay xumaatana waan kala wada baxayaa”
- Murti-maahmaaheedka uu hal jile ku jiro ee macnahooda si toosan ku muujiya: Nin kaa sii socda “Halna waan kuu qali lahaa” baa lagu yidhaahdaa.
- Murti-maahmaaheedka uu hal jile ku jiro ee macnahoodu uu ka muuqdo dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen: Abeeso waxay tiri: “Aadane abaal ma leh”.
II. Murti-maahmaaheedka ay laba jile ku jiraan
- Murti-maahmaaheedka ay laba jile ku jiraan ee macnahooda si maldahan ku muujiya: – Dhurwaayow, kabo ma laguu tolaa? – Haddii lay tolana waa alxamdu lilla, haddii aan lay tolinna waa Rabbil caalamiin.
- Murti-maahmaaheedka ay laba jile ku jiraan ee macnahooda si toosan ku muujiya: – Duqdii maxaad ku ogayd? – Indho la’aan. – Dad-cunnimana waa ku darsatay!
- Murti-maahmaaheedka ay laba jile ku jiraan ee macnahoodu uu ka muuqdo dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen: “Sagaaro biyo waa cabtaa” iyo “Ma cabto”.
Tiroley
Waxaa in la tilmaamo mudan in ay kaloo jiraan murti-maahmaaheedka loo yaqaanno tiroley:
- Labaley: Laba laba laguma reebo: gar hagar laguma reebo, faqrina faqri laguma reebo.
- Saddexley: Doqoni saddex bay la weyn tahay: wax cun, wax dil iyo wax dhac.
- Afarley: Afar afar kama dheregto: dhul cir kama dhergo, rag naago kama dhergaan, calooli cunto kama dheregto, caalim cilmi kama dhergo.
- Shanley: Ilaahow, shan waad uuntay ee maxaadan shan ugu sameyn? Geesi waad uuntay ee maxaadan bir uga dhigin? Fulay waad uuntay ee maxaadan baalal ugu yeelin? Deeqsi waad uuntay ee maxaadan maalqab uga dhigin? Bakhayl waad uuntay ee maxaadan summad ugu dhigin? Naag xun baad uuntay ee maxaadan koor ugu xidhin? Ku wad.
Waxaan ku rajo weyn ahay in aan idiin muujiyey hodantinnimada xad-dhaafka ah ee murtida maahmaaheed ee hiddaha ah ee awooweyaashii Soomaaliyeed ay ka tegeen, una baahan in la ururiyo, la dhowro, la baadho, lana dhaxalsiiyo filalka soo socda. Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi!
George Kapchits
E-mail: geedka@aha.ru
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko
-
Afka qalaad waxaa la yidhaahdaa wellerisms ee loogu magacdaray Sam Weller oo jile ka ah qisada la yidhaahdo “Warqadaha Pickwick” ee uu qoray Charlis Dikens. ↩︎