Hal sano ka dib markii aan wareystay Dr. Kapchits

Waxaa lagu daabacay mareegtada WardheerNews.com, 16 Diseembar 2006. Waxaa qoray Isamail A. Hassan (Khaliil). Waa dib u eegis lagu sameeyay wareysigii Janaayo 2006. Qoraalku waa mid taariikhi ah oo halkan loogu keenay in la kaydiyo; xuquuqda qoraalka waxaa iska leh mareegtada daabacday.

“Waxaan qorsheeyey in ilaa sannadkan(2006) dabayaaqadiisa aan soo gabagabeeyo Qaamuuska weyn ee maahmaahaha soomaaliyeed, hase ahaate waa aan ku dhacay. Sababta u weyni waa in maahmaahihii aan hore u soo ururiyey ay ku darsameen kumanyaal kale oo qaarkood aan ka helay akhristayaasha kaddib markii aad daabacday wareysigaygii. Ilaa maanta ayay ila soo xiriiraan akhristeyaasha Wardheernews, taasoo aan raalli ka ahay. Mahadsanid”

Dr. Kapchits, 16 Diseembar 2006

Hordhac

Muddo hadda laga joogo hal sanno ayaa waxaanu wareysi khaas ah la yeelanay aqoonyahanka Ruushka ah ee ku xeel dheer afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Dr. Georgi Kapchits oo xilligaas ku sugnaa magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka.

Haddaba wareysigaas oo dadweyne aad u farabbadani akhristeen aadna u xiiso badnaa, kuna soo baxay Wardheernews 25/01/06, isla markaana ay ergisteen mareegaha Soomaaliyeed ee kale qaarkood ayaa ahaa mid akhristayaasha badankooda ay aad uga heleen, saamayn weyna ku yeeshay.

Islamarkii wareysigan loo soo bandhigay akhristayaasha waxaa WardheerNews soo gaadhay farriimo badan oo loogu hambalyanayo mareegtan iyo dadaalka ay qorayaasheedu muujiyeen. Wareysigani sidoo kale waxaa uu noqday mid ka mid ah waxyaabihii ugu xiisaha badnaa ee ay soo gudbisay WardheerNews sannadkii tegay iyadoo ilaa maantana aanay dadku ka xiiso dhicin oo weli la akhristo wareysigaas.

Sidaa darteed waxaanu maqaalkan dib ugu fiirin doonnaa wareysigaas iyo aragtiyihii ay akhristayaasha qaarkood ka bixiyeen, annagoo isla markaana mar kale xidhiidh la samaynay Dr. Kapchits si aan wax uga ogaano aragtidiisa wareysigaas, akhristayaashii la soo xidhiidhay iyo mahadhooyinkii uu reebay intaba.

Dr. Georgi Kapchits oo ah aqoonyahan muddo dheer ku soo dhex jiray ururinta iyo cilmibaadhista afka iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa wuxuu si xeeldheeri iyo waayo’aragnimo fogi ka muuqato wareysigaas ugu adeegsaday murtida iyo maahmaahda Soomaaliyeed.

Qof kasta oo wareysigaas akhristaa wuxuu si aad u dareemayaa kaalinta muhiimka ah ee ay maahmaahdu kaga jirto afka Soomaaliga iyo qiimaha weyn ee ay ku kordhiso hadalka caadiga ah.

Haddaba jawaabaha toolmoon ee uu Dr. Kapchits ka bixinayay su’aalihii aan weyddiinay ka sokow waxaa akhristayaasha aad u soo jiitay maahmaahyadii tirada badnaa ee uu ku ladhayay hadal kasta oo caadi ah oo afkiisa ka soo baxa. Waxaana wareysigaa ka muuqata in Dr. Kapchits yahay aqoonyahan ku talaxtagay maahmaahda Soomaaliyeed adeegsigeeda oo mid walba madasheeda iyo meesha ay ku habboon tahay u cuskada.

Sidoo kale jawaabaha uu ka bixiyay su’aalaha qaarkood ayaa waxay ahaayeen kuwo dhaqaajinaya dhiigga akhristaha, dareen qiiro iyo jidhidhicana ku abuuraya oo Soomaalidana talo iyo waano u noqon kara.

Falcelintii akhristayaasha

Haddaba Dr Georgi Kapchits oo hadda ku sugan magaalada Moosko ee xarunta dalka Raashiya ayaan dhawaan kala sheekaystay wareysigaas aan kor ku xusay saamayntii iyo fal celisyadii ka dhashay.

Aqoonyahanka oo ugu horeyntii ka jawaabaya su’aal ahayd wareysigaas iyo waxyaabihii ka dhashay ayaa waxa uu yidhi:

Shan goobood

Nin baa nin u soo hoyday habeen. Markaasaa ninkii loo soo hoyday si wanaagsan u sooray ninkii ku soo hoyday. Markaasna waxaa jirtay abaar xun. Ninkii loo soo hoyday meel wanaagsan ayuu seexshay ninkii ku soo hoyday. Waagii markuu beryay ayuu ninkii loo soo hoyday haddana u keenay sahay iyo biyo uu ku dhul maro. Markaasaa ninkii martida ahaa ku yiri ninkii uu soo martiyey:
– Ninyohow! Si wanaagsan ayaad ii gashay, marka maxaad jeceshahay in aan kuugu abaalgudo? Ma shan jeer baan kuu abaalgudaa, mase shan goobood baan kaa sheegaa?
Markaasaa ninkii la soo martiyey yiri:
-Waxaad iga sheegtaa shan goobood.

Sheekadan la yaabka leh waxaan u soo xasuustay degdeg kaddib markii aad iga qaadday wareysigii, adoo iga sheegay shan boqol oo goobood. Waxaa laga yaabaa in laygu bartay goobo in ka badan. Laakiin tiradoodu inay gaarsiisan tahay shan boqol waxaan ka gartay farrimihii la ii soo diray. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer, baa la yidhi.

Warku wuu faafaa

Warku inuu si degdeg ah u faafo waxaan ka bartay sheekada kale ee aan ku daray buugga la yidhaahdo “Faaliyihii la bilkeyday” ee aan wareysigii ku xusay:

Nin ayaa faras fuulay. Meel fog ayuu tegay. Ninku wuxuu rabay inuu ogaado sida warku u faafo. Labo beri meel cidda looga socdo ayuu inta tegay oo duddumo korkeed fuulay, soddohdii oo ku xil leh caayay. Markuu soddohdii caayayey, duddumada godkeeda ayuu afka ku ritay. Taasna wuxuu ula dan lahaa inuu ogaado in aan cidna maqleyn. Goonyihiisana wuu iska dhugtay, markuu hadalka cayda ah sheegayey. Markuu yiri wixii uu rabay ayuu wuxuu yiri:
– Bal dadku waa kan yiraahda: ‘Warku wuu faafaa’ e soddohday hay maqasho.
Gurigii ayuu ku soo noqday. Faraskii markuu ka soo degay ayuu soddohdii arkay. Wuu salaamay. Wuxuu yiri:
– Soddoh, bal iska warran!
Soddohdii waxay ku tiri:
– Maandhow, dareen adiga kaa weyn ma ogi!
Ninkii wuxuu yiri:
– Oo soddoh, dareenkaasi waa maxay?
Markaasay soddohdii ku tiri:
– Maandhow, waa adigii wanaagsanaa ee maxaa ku baray caydayda?
Markaasaa ninkii afka kala qabtay oo naxay. Wuxuu ogaaday in warku faafo. Wuxuu yiri:
– Soddoh, yaa kuu sheegay in aan ku caayay?
Waxay tiri:
– Maandhow, dabaylaha ayaa siday warka!
WardheerNews dabeyluhu inay sidaan waa laga yaabaa.

Warqadaha

Sida runta ah waxaa i cajabgelisay farrimhii aan helay tiradooda mooyaane tayadooda. Waxaa iiga caddaatay in Soomaalidu ay si fiican u barteen akhriska. Sidaan hore u tilmaamay waxaan warqado ka helay dad aad u badan oo carruuri ay u horseedeen. Anoo akhrisaneyey warqadahoodii ee si qumman u qornaa ayaa waxaan soo xasuustay booqashadii aan dhowr sano ka hor ku tegey iskuul ka furan Denmark oo ay wax ku bartaan ciyaal badan oo soomaaliyeed. Boqashadaa waxaan kaga warramay wargeys Denish ah oo ku daabacan afka Ingriiska:

Halkan waxaa ku jira qoraalkii uu ka sameeyay booqashadaas, oo Ingiriisi ku qoran. Sheekada oo dhan waxaa laga akhrisan karaa Out of the Mouth of Babes.

It is known that wisdom comes out of the mouths of babes and sucklings. Including, of course, the Somali ones. This fact has been reflected in many pieces of Somali folklore. Here is one of them: Waxaa la yiri: Guddi ayaa meel lagu qabtay. Guddiguna gole weyn ayuu fadhiyey. Dadkii oo idil ayaa ka soo qayb galay. Naago iyo rag iyo dadkii oo dhan shir ayuu u fariistay. Dhammaantood waxay rabeen in ay talo dhexdooda ah ka hadlaan. Fadhigii wixii la wadaba, talo waxay ku dhammaatay in rag waayeel ah xaajada loo saaro. Raggaas waayeelka ah waxaa laga magacaabay guddi.
Geedka lagu hadlayay oo xaajada lagu qabay waxaa korkiisa saarnaa wiil yar. Wiilka talada laguma darin. Wuxuu maqlay nimankii oo leh: ‘War, waayeel talada u saara.’ Wiilkii wuxuu ku yiri nimankii:
– Ha dhihinina: ‘Talada waayeel u saara’ ee dhaha: ‘Waxgarad u saara’.
Nimankii waxay yiraahdeen:
– Waa run!
A boy like this, about six years old, was sitting in the Somali class in the city of Arhus and looking at the man who, as he was told, came from Moscow to speak with the children in their native language. The teacher gave me the floor, but at that moment the boy raised his hand and said that he wanted to ask me a question. I understood that I would be examined and I was not mistaken. ‘Have you written any books?’ the boy asked. ‘Yes’ answered I. ‘How many?’ inquired he. ‘Four.’ I was confused, thinking that by the age of sixty I could have presented a more solid account. ‘May I have a look?’ I reached out to give the strict pupil the books, which I had luckily tucked into the bag before making for the school. He put them in front of him and started to turn over the pages, moving his lips.

The meaning of the small strategist’s action occurred to me some time later. He wanted to understand whether the gentleman was worthy to have been put on the plane in Moscow, to have been met with a car in Copenhagen and to have been taken by the ferry to Arhus in order to bring him finally to their classroom. It is wonderful that the boy, whose parents, though very young, had nevertheless been born before the Somali language acquired its script, choose a book for the testing.

…Now, two months later, in snow-covered Moscow, I am writing a new book, the fifth one. Just in case.

Dr. Kapchits ayaan mar kale weyddiiyay dadkii tirada badnaa ee la soo xidhiidhay iyo guud ahaanba akhristayaasha WardheerNews hadiyadda uu maanta halkan ugu hayo, waxaanu ku jawaabay sidan:

Saan saan ku gud, saxanna saxan ku gud, baa la yidhi. Hadyaddu waa ay jirtaa. Hase yeeshee waxaa in la tilmaamo mudan in hadiyaddaydu ay tahay mid aan ku gudayo hadiyadihii tirada badnaa ee aan ka helay akhristeyaasha. Si aad u wanaagsan bay u qadderiyeen wareysigii. Waa ii hadiyad. Aad bay u ammaaneen mirihii ka soo baxay shaqadayada la xiriirta baaritaanka afka iyo suugaanta soo yaalka ah ee Soomaaliyeed. Waa hadiyad kale.

Mudane Xasan Shirwac ee deggen London wuxuu ku yidhi warqaddiisii: “Anigoo guudmar ku samaynayaa mareegyada Soomaalida baan si nasiib ah ku furay Wardheernews.com, dabeedna waxaan arkay waraysi ay kula yeesheen oo af soomaali ah. Sida dhabta ah si weyn baan uga faa’iidaystay waraysigaas qaniga ah. Dr. Kapchits, from now on I will join the growing number of Somali students and even non Somalis who learn from the books and articles you have written about the Somalis and their rich language.”

Mudane Axmed Maxamuud ee iiga soo qoray Jigjiga warqado badan middii ugu horreysey wuxuu ku yidhi: “Aad baan ugu faraxsanahay in aan cinwaankaaga helo, kulana soo xidhiidho. Waraysigii aad siisay barta internetka ee WardheerNews mid la yaab leh buu ahaa. Saaxiibbo badan oo aan leeyahay waxaan uga warramay shakhsiyadda Dr. George oo u dhashay dalka Ruushka, muddo toban cisho aan dhannaynna joogay Soomaaliya, shahaadadiisa Doctorate-kana ku qaatay Curus ku Saabsan Luuqadda Af-Soomaaliga. Waxaa dhici karta in aan aniguna wax ku soo biiriyo maahamaahaha aad ururiso. Waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa: Buda qabe iyo biyo qabe waa isu baahan yihiin.”

Waxaan mahad kal iyo laab ah u celinayaa Axmed Maxamuud iyo akhristeyaashii kale ee igu deeqey maahmaaho ciidda ka badan oo qaar ka mid ah aanan hore u aqoonin. Hadiyadda aan u hayo waa “Qaamuusweynaha maahmaahaha soomaaliyeed” ee aan tabaabusheyntiisa soo gabagabeynayo, ayna ku jiraan maahmaahihii aan ka helay. Waxaa la yidhi: Nin abaal gala waa la arkay, nin gudase lama arag. Buuggaa waxaa ka muuqata in mararka qaarkood la arki karo, maadaama aan ku xusay qof kasta oo ii soo diray xataa maahmaah qur ah.

Dr. Kapchits waxa uu mar walba xusaa werwerka uu ka qabo carruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhasha ama ku kora sida ay dhaqan gaddoomi karaan, afkooda hooyona uga lumi karo. Haddaba isagoo arintaa ka hadlaya wuxuu yidhi:

Aqoonyahaannadu waxay ku andacoodaan in qofka u guura dal shisheye ah carruurta uu ku dhalo ay ku hadlaan afkiisa hooyo, carruurta ay sii dhalaan ee uu awowga u yahayna aanay ku hadlin. Shaki ma leh in barashada afka looga hadlo dalka loo guuro ay tahay khasab. Laakiin khasab ma aha in laga fogaado afka hooyo. Intay baaqan lahayd ha yaraato!

Warqadihii aan ka helay dadka qurbaha jooga ee wareysiga akhristey waxaa ka mid ahayd mid ay ii qortay gabadh yar oo Soomaaliyeed, waxaana jeclahay inay akhristayaashu ila qaybsadaan warqaddan yaabka leh :

“Heads up Doc! I gotta hand it to u, u gud My dad made me read ur (Wareysi) or watever, that u had with (Wardheer News)… I always had problem learning French and I always flunked it, that when ever my dad sees my report card my only defense would be “what did u expect dad, I ainght French,” then he would go on and on of how many people learn other languages just because it’s n’t their langauge doesn’t mean they have to give it up. So his only intuition when he saw ur article was to call out for me across the room and he told me pointing at ur picture this Doc, is a living breathing prove of how much one can learn a tottally foreign langauge as long as they put a lot of effort into it. So to make a longstory short as a 16yr old Somalian/born in the U.S.A. and a high school student who’s having a real tough time Learning French i Can’t help but comment on ur talent u might not see why i am sending u this msg but from my point of view it’s a great appreciation of what u do."

Aad baan ugu faraxsanahay in gabadhu ay taqaanno af Soomaaliga, taasoo ay u marag kacday in ay wareysigii akhrisatay. Waxaan salaameyaa aabbeheed ee gabadhiisa u baraarujiyey barashada afkooda hooyo mooyaane afaf ajnebi ah. Yuu welweline waxaan ku kalsoon ahay in gabadhiisa caqliga badani ay la wareegi doonto afka faransiiska.

Ugu dambeynta, mar kale baan u mahadineyaa akhristeyaashii qadderiyey mirihii ka soo baxay shaqadii aan qabtay, igana codsaday inaan sii wado. Waa aan sii wadi doonaa, insha Alla. Meel lagaa jecel yahay haddaad ka tagtid, meel lagaa neceb yahay ayaad tagtaa!

Sidaas waxaa ku soo gabagbeeyay hadalkiisii Dr Georgi Kapchits. Shaki kuma jiro marka aad fiiriso shakhsiyadda, dadaalka iyo dadnimada Dr. Kapchits in meeshii uu tagaba laga jeclaanayo. Waxaan hubaa in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan aqoonyahanka iyo cid kasta oo dadaal u gala kobcinta, horumarinta iyo faafinta suugaanta iyo afka Soomaaliyeed ee hodanka ah.

Isamail A. Hassan (khaliil)