Wareysigii ay mareegtada WardheerNews la yeelatay Dr. Georgi Kapchits

Waxaa lagu daabacay mareegtada WardheerNews.com, 25 Janaayo 2006. Wareysigii waxaa qaaday Isamail A. Hassan (Khaliil). Qoraalku waa mid taariikhi ah oo halkan loogu keenay in la kaydiyo; xuquuqda qoraalka waxaa iska leh mareegtada daabacday.

Dr. Kapchits: Gacaliye Khaliil waad mahadsantahay. Waxaa jirta maahmaah tidhaahda ‘waayeel afkaaga fur, ilkahaaga aan tiriyee lama yidhaahdo’. Kaftan weeye, nin furfuran baan ahaye.

Hordhac

Waraysi xiiso badan oo ay WardheerNews la yeelatay aqoonyahanka Ruushka ah ee Dr. Georgi Kapchits oo hadda booqasho ku jooga wadanka Jarmalka.

Dr. Georgi Kapchits waxa uu ka mid yahay aqoonyahannada si gaar ah isugu taxaluujiya ururinta iyo baadhista Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee Radiyo Moosko, isagoo isla markaana Luqadda Soomaaliga ka dhigi jiray Jaamacaddo ku yaal magaalada Moosko.

Aqoonyahanku waxa uu qoray buugaag iyo qoraallo kale oo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaalida. Waxuu shahaadada sare ee PhD ku diyaariyay naxwaha Afka Soomaaliga. Dr. Kapchits waxaa kaloo uu aqoon durugsan u leeyahay Afka Amxaariga. Waa xaas, waxaanu leeyahay laba gabdhood iyo saddex carruur ah oo ay sii dhaleen.

Haddaba waxa uu Dr. Georgi Kapchits dhawaan soo saaray buug cusub oo ku saabsan sheekaxariirta Soomaaliyeed oo uu ugu magacdaray ‘Faaliyihii la bilkeyday’.

Waxaanu haddaba aqoonyahanka wax ka weyddiinay taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Waraysigiina waxa uu u dhacay sida soo socota.

Wareysiga

WRN: Dr. Kapchits marka hore waad salaaman tahay, waxaanuna kaaga mahad celinaynaa fursadda aad noo siisay inaanu wareysigan kaa qaadno, kuna soo dhowow WardheerNews.com.

Dr. Kapchits: Idinkaa mudan. Inkastoo la yidhi ‘Af daboolani waa dahab’, haddana waxaa jira maahmaaho kale oo i toosineya wareysigan. Waxaa ka mid ah ‘Nin aan hadlin habartiina wax ma siiso!’

WRN: Guud ahaan waxaad marka hore nooga warrantaa waqtigii aad bilawday barashada Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, maxaadse arrintaas ku dooratay?

Dr. Kapchits: Barashada af-Soomaaliga waxaan bilaabay intii aan arday ka ahaa Jaamacadda Moosko. Afartan sano ayaa ka soo wareegay waqtigaas, hase ahaate weli kama aan sal gaarin afkiina la-yaabka leh oo u eg mergi u jiidma hadba dhankii loo jiido. Awrba awrka ka horreeya buu saanqaadkiisa leeyahay, baa la yidhi. Anigu waxaan ka daba socday macallinkayga Alexander Zholkovsky ee Midowga Soofiyeeti ugu horseedey baaritaanka af-Soomaaliga. Waxaa nasiibdarro ah inuu muddo kaddib ka fogaaday arrimaha Soomaaliyeed. Intii uu u guuray dalka Mareykanka ayaa wuxuu noqday barafesoor Jaamacad ka dhiga suugaanta Ruushka.

WRN: Maxay ahaayeen dhibaatooyinkii aad kala kulantay barashada Af-Soomaaliga?

Dr. Kapchits: Ina Cali Qablax ee indhoole ahaa markii uu taabtay dundumo ayaa wuxuu yidhi: ‘Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabki, halna waa ammankaag. Dundumada inteer le’eg aboor baa sameeya. Waa yaab. Habeynkii buu sameeyaa. Waa yaabka yaabki. Candhuuftiisuu ku sameeya. Waa ammankaag!’

Aniguna waa sidaa oo kale. Markii aan dhadhamiyey af-Soomaaliga ayaa waxaan is idhi: ‘Tolow, ereybixinta af-Soomaaligu waa yaab. Dhawaaqa af-Soomaaligu waa yaabka yaabki. Naxwaha af-Soomaaliguna waa ammankaag!’

Af-Soomaaligu hodon weeye, dhan kasta haddii laga eego. Wax cir ka soo dhac leh ma aha inuu udubdhexaad u noqday maansada Soomaalidu ay ku caambexeen, ayna ku faani karaan. Shaki ma leh in afka cankaas ah barashadiisu shaqo fudud aysan ahayn. Waxaase la ogsoon yahay in dhib walba ay dheefi ka dambeyso.

WDN: Yaa wax kaala qabtay arrintaas?

Dr. Kapchits: Nasiibwanaag waxaa ah in waagii aan isku tuxallujiyey barashada afkiina, dhaqankiina iyo suugaantiinaba ay Moosko joogeen ardo badan oo Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah waa aan la saaxiibay. Inkastoo la yidhi ‘Saaxiibkaa mar waa kuu sahan, marna waa kuu sabab’, haddana saaxiibtinnimadaasi khayr mooyaane wax kale ma ay dhalinin.

Ardadaas ee ka kala socday miyi iyo magaalo, aadna u tiigsaneyey tacliinta, wax badan ayaan ka bartay, gaar ahaan sidii af-Soomaaliga loogu hadli lahaa. Si ay mahadi ku jirto ayaan u xasuustaa kulligood, gaar ahaanna Axmed Cartan Xaange iyo Shire Jaamac Axmed, Ilaahi ha u naxariiste. Labadoodu waxtar aan la soo koobi karin bay ku kordhiyeen horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

WDN: Intii aanad bilaabin barashada dhaqanka iyo Afka Soomaaliga wax fikrad ah ma ka haysatay Soomaalida?

Dr. Kapchits: Haa, waa aan ka haystay, mar haddii aan Jaamacadda ku baraneyey afka Amxaariga ee looga hadlo dalka ay Soomaaliya deriska la tahay. Laakiin fikraddaasi mid xad leh bay ahayd. Soomaaliya aad bay iiga fogeyd, sida runta ah. Oog kaa fogina kuma dhaxan tirto.

WDN: Wax ma iska bedeleen fikraddaadii ka dib markii aad dhex gashay barashada iyo baadhaanka Afka iyo dhaqanka Soomaalida?

Dr. Kapchits: Aqoonla’aani waa iftiinla’aan, sow ma aha? Intii ay sare u kacaysey aqoontii aan ku lahaan jirey arrimaha Soomaaliyeed, indhahaygu, qalbigaygu iyo maankayguba waxay u leexaneyeen Geeska Afrika. Muddo yar kaddib waa aan jecleystay Soomaaliya dhulkeeda iyo dadkeedaba. Waxaad jeceshahay walaalkaana la jeclow, baa la yidhi. Inta itaalkayga ah baan ku dadaalayaa in dad badan oo aan isku dalka nahay iyo dad shiiseya ahi ay ila jeclaadaan afkiina, dhaqankiina iyo suugaantiina hiddaha ahba.

WDN: Soomaalida maxaad ku tilmaami lahayd ama ku sifayn lahayd?

Dr. Kapchits: Soomaalida waxaan u qaataa dad sare oo ku sifoobay caqli-dheeri, deeqsinnimo iyo marti-jecli xad dhaaf ah.

WDN: Ma jiraan waxyaabo si gaar ah kuu soo jiitay oo ka mid ah dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida oo saamayn kugu yeeshay?

Dr. Kapchits: Sifooyinka aan kor ku xusay si buuxda bay uga muuqdaan dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, aad iyo aadna bay ii soo jiitaan. Bal eega:

Nin baa nin u soo hoyday habeen. Markaasaa ninkii loo soo hoyday si wanaagsan u sooray ninkii ku soo hoyday. Markaasna waxaa jirey abaar xun. Ninkii loo soo hoyday meel wanaagsan ayuu seexshay ninkii ku soo hoyday. Waagii markuu beryay ayuu ninkii loo soo hoyday haddana u keenay sahay iyo biyo uu ku dhul maro. Markaasaa ninkii martida ahaa ku yiri ninkii uu soo martiyey:

— Ninyohow! Si wanaagsan ayaad ii gashay, marka maxaad jeceshahay in aan kuugu abaalgudo? Ma shan jeer baan kuu abaalgudaa, mase shan goobood baan kaa sheegaa?

Markaasaa ninkii la soo martiyey yiri:

— Waxaad iga sheegtaa shan goobood.

Sheekadani mid faallo u baahan ma aha.

WDN: Maxay yihiin meelaha aad dhaliisha uga soo jeedin karto dhaqanka Soomaalida?

Dr. Kapchits: Hadal waayeel waa guudmar. Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaan xasuusineyaa murtida leh: ‘Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yaraystaan, walaalo is necebina waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan.’

WDN: Waxaa jirta inaad Soomaaliya booqatay laba jeer oo keliya, waqti yarna aad joogtay, hal marna aad tagtay Jabuuti. Haddaba sidee bay kuugu suurto gashay inaad Af-Soomaaliga heerkan ka gaadho, isla markaana aad qoraallo tiro badan ka samayso Soomaalida adigoo dibadda ku nool?

Dr. Kapchits: Run weeye in aan Soomaaliya booqday laba jeer keli ah, anigoo mar kasta joogay shan beri. Sida la ogsoon yahayna ‘shan beri sheekh laguma noqdo’. Mana aan noqon. Hase ahaate, fuullaan waa faro-ku-hayn. Si aad fardo-fuul u barato waa in aad maalin walba faras fuusho. Afka iyo suugaanta Soomaaliyeed barashadooda iyo baaritaankooda waa aan ku gaboobay. La-yaab ma aha in aan wax ka qoray. Subax iyo sadar subax baa badan!

WDN: Waxaan filayaa inaad muddo dheer si joogto ah ula socotay xaaladda Soomaaliya, maadaama aad ahayd saxafi ka tirsanaan jiray Laanta Af-Soomaaliga ee Raadiyo Moosko. Sida aad la socoto Soomaaliya burbur iyo dagaallo sokeeye ayaa ka dhacay. Maxaa fikrad ah ka haysataa dhibaatada la soo deristay shacabka Soomaaliyeed?

Dr. Kapchits: Dad waliba taariikh, dhaqan iyo aayatiin gaar ah buu leeyahay. Hase yeeshee ma jiro dad qur ah oo aan soo marin dhibaatooyin waaweyn. Dadyawga qaarkoodu silicii iyo saxariirtii u go’naa waa hore bay soo dhaafeen, qaarka kalana imminka bay la dagaallameyaan. Ruushka iyo Soomaalidu kuwa dambay ka mid yihiin. Laakiin, markaad kaliil araktid roob filo!

WDN: Wax isbeddel ah ma ku timid fikraddii aad ka haysatay qofka Soomaaliga ah xilligan oo ay Soomaalidu ku jirto marxalad adag, duniduna ku tilmaanto Qaran fashilmay (failed state)?

Dr. Kapchits: Maya, kuma aan iman, haba yaraate. Hibo Eebbe ku siiyey habeen layskama qaado.

WDN: Haddii aan u soo noqdo dhinaca wax qabadkaaga, wax ma nooga sheegi kartaa qoraalladii badnaa ee aad Murtida, maahmaahda iyo Sheekaxariirta Soomaalida ka qortay?

Dr. Kapchits: Ilaa maanta waxaan qoray toddoba buug iyo maqaallo badan oo ku saabsan afka, maahmaahaha iyo sheekooyinka Soomaaliyeed. Labada buug ee iigu dambeeya ee la kala yidhaahdo ‘Hubsiimo hal baa la siistaa’ iyo ‘Faaliyihii la bilkeyday: Sheekaxariirooyin Soomaaliyeed’ waxaa ka muuqda welwelka aan ka qabo aqoonta aan saas u fiicnayn ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga qaarkoodu u leeyihiin afka iyo suugaanta hooyo.

‘Hubsiimo hal baa la siistaa’ waxaan ku ururiyey 314 maahmaahood Soomaaliyeed oo si aadka ah loo yaqaanno waqtigan la joogo, taasoo aan ku ogaaday cilmibaaris gaar ah. Qof kasta oo jecel inuu si fiican ugu hadlo af-Soomaaliga waa inuu bartaa maahmaahahaas aan saas u tira badnayn. Kulligood waxaan ku tarjumay afka Ingriiska, waxaanna ku daray faahfaahin lagamamaarmaan ah. Maahmaahda qura ah oo ay yaqaannaan dadkii aan wareystay boqolkiiba boqol waa ‘Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa.’

WDN: Waxaad Afka Ruushka ku turjumtay Murtida iyo Maahmaahda Soomaalida. Siday u arkeen dadka Ruushku markay akhristeen maahmaahda Soomaalida, mase jiraan kuwo ay wadaagaan labada ummaddood?

Dr. Kapchits: Waxaa jira maahmaaho aad u badan oo ay wadaagaan dadyawga adduunka oo idili. Waxaa u sabab ah in maahmaahdu ay tahay astaan xaaladeed (sign of situation). Xaaladuhuna way iskaga mid yihiin dal la arka ba. Hab-ku-fekerka qofkuna waa isku mid yahay.

Haddii, tusaale ahaan, ay khasab kugu noqoto in aad maahmaah-ahaan ku muujiso fikradda leh ‘qofka wax qabta keligiis libin gaari maayo’, waxaad tidhaahdaa (haddaad Soomaali tahay) ‘Far keliya fool ma dhaqdo’, ama waxaad dhahdaa ‘Far keliya diqsi ma qabato’ (haddaad tahay Oroomo), amase waxaad maskaxdaada kala soo baxdaa ‘Nin keliya dagaalyahan ma aha’ (haddaad Ruush tahay). Macno-ahaan saddexdani maahmaahood way isku mid yihiin.

WDN: Buuggaaga ugu dambeeyay ee ‘Faaliyihii la bilkeyday’, waxaa dad badan ku adkaaday fahamka magaca buugga, siiba ereyga ‘la bilkeyday’. Arrintaas wax yar ma nooga iftiimin kartaa?

Dr. Kapchits: ‘La bilkeyday’ iyo ‘la tijaabiyey’ waa isku mid. ‘Bilkeyn’ waa eray rasmi ah oo qurxoon. Laakiin wuxuu ka mid yahay ereyada tirada badan ee tartiib-tartiib loo iloobayo.

‘Faaliyihii la bilkeyday’ waa magaca ay leedahay sheekada la-yaabka leh ee buuggayaga ugu horreysa, muujisana ra’yiga ay Soomaalidu ka qabaan adduunka iyo nolosha. Sheekada lafsadeeda iyo magaceedaba waxaa daabacay sannadkii 1951kii gabayaagii caanka ahaa ee la odhan jirey Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal isagoo taageero ka helay aqoonyahankii Ingriiska ahaa ee aad ugu dheeraa afka iyo suugaanta Soomaaliyeed, Bogumil Andrzejewski, ee naaneystiisu ay ahayd Guush. Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi!

WDN: Muxuu guud ahaan buuggani ka hadlayaa?

Dr. Kapchits: Buuggani wuxuu soo hordhigeyaa akhristeyaasha Soomaaliyeed iyo kuwo ku hadla afka Ingriiska 115 sheekaxariiro Soomaaliyeed oo aan u haysto qaybta ugu wanaagsan suugaanta Soomaaliyeed ee hiddaha ah. Waxaa ka mid ah sheekaxariirooyinka caanka ah ee la kala yidhaahdo ‘Faaliyihii la bilkeyday’, ‘Garta aadane’, ‘Hoog’, ‘Isha Cumar ka lulata’ iyo kuwo taxanaha ah ee ku saabsan Arraweelo, Wiil-Waal, Ina Sanweyne, Siyaad Dharyo Dhoobe, Yoonis Tuug, Cigaal Shiidaad iyo qaar kaleba.

Buuggan waxaan ugu talaggalay akhristeyaasha caadiga ah, carruur iyo waayeelba, xeeldheereyaasha iyo dadka kaleba ee xiiseeya afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Akhristeyaasha WardheerNews waxaan hadiyad-ahaan u soo jeedineyaa sheekada aan aad u jeclahay ee la yidhaahdo ‘Bakhayl, wiil iyo dhurwaa’:

Wiil baa nin u soo martiyey. Kolkuu soo martiyey wuxuu siiyey saan uu ku seexdo, mana soorin e. Kabacdii dhurwaa baa yimid, yarkii ayuu qaatay. Dadkii kale oo dhammi way keceen, wayna yidhaahdeen: ‘Wiilkii dhurwaa baa qaatay!’ Waa la orday.

Ninkii uu wiilkii aqalkiisa joogay ayaa ugu horreeyey. Dhurwaagii ayuu ul ku dhuftay oo wiilkii ka riday, kaddibna soo qaaday oo aqalkiisa keenay. Wuxuuna yidhi:

— Wiilkaygiyow, inkastoon ku qadiyey, dhurwaagii ku qaatay haddaan kaa riday, sow macruuf kuuma sameyn?

Wiilku wuxuu yidhi:

— Macruuf iima aad sameyn. Waayo, afkaaga ma ahe af kale ‘to’ inay wax galaan yaadan rabin. Dhurwaaga i qaatay isaguna inuu qado baad rabtay!

WDN: Ma jiraan buuggaag kale oo aad hadda qoristooda gacanta ku hayso amaba aad ku talo jirto?

Dr. Kapchits: Haa, buug kale baan qoreyaa imminka ee aan jooga magaalada Berlin. Waa Qaamuuska Weyn ee Maahmaahaha Soomaaliyeed oo ka kooban in ku dhow 10 kun oo maahmaahood, oo qaar ka mid ah aan ku tarjumayo afka Ingriiska, anigoo kaashanaya Sheila Andrzejewski ee macallinkii Guush uu ka tegay iyo qoraaga la yidhaahdo Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’.

WDN: Waxaa jira qorayaal badan oo Soomaaliyeed. Ma jiraan kuwo aad si gaar ah qoraalladooda u xiisayso, maxayse tahay sababtu?

Dr. Kapchits: Waxaan si gaar ah u qadderiyaa buugagga uu qoro Afrax, maadaama uu si geesinnimo leh ugu muujiyo dhibaatooyinka Soomaaliya haysta iyo sababaha dhaliyaba.

WDN: Soomaalidu dhanka gabayga ayay caan ku tahay. Sideed u aragtaa gabayada Soomaalida?

Dr. Kapchits: Heerka gabayga weli ma aan gaarin, umana aan maleynayo in aan weligay gaari doono. Hase ahaate gabayo aan tiro yarayn waa aan akhristay, gaar ahaan kuwo ay tiriyeen Hadrawi iyo Garriye. Shaki ma leh in aan la dhacay.

WDN: Ma jiraa wax farqi ah oo u dhexeeya gabyaagii hore ee Soomaaliyeed iyo kuwa hadda?

Dr. Kapchits:

Nin baa beri arkay xoon shinni ah oo malab ku guraysa geed dheer dushiis. Markaas buu ku tashaday in uu gurto malabka. Qori dab ah, caws iyo masaar buu soo qaatay ninkii, oo geedkii malabku ku jirey la koray si uu u soo gurto.

— War, maxaad ka sameyneysaa geedka dushiisa? — ninkii malabka lahaa baa weyddiiyey markii uu arkay tuuggii.
— War, inaan geedka dushiisa ku yare layrsado baan rabaa, — buu ku jawaabay ninkii geedka fuushanaa.
— Oo maxaad masaarta ku falaysaa?
— Laamaha naqa leh ee sare baan ariga ugu soo jaranayaa.
— Cawskana maxaad ku falaysaa?
— Waan ku dul fadhiisanayaa si maradu ayan iiga wasakhoobin.
— Oo dabkana maxaad ku falaysaa?
— Taas jawaab looma hayo! — buu yiri ninkii geedka fuushanaa.

Aniguna, haddaan Kapchits ahay, su’aashii ugu dambeysey ee la ii soo jeediyey jawaab uma hayo.

WDN: Dhinaca halabuurka ama curinta maansada weli ma isku dayday?

Dr. Kapchits: Haa, intii aan da’da yaraa gabayo waa aan tirin jirey. Laakiin midna ma aan daabicin, badankoodna waa aan iloobay. Hadday ahaan lahaayeen kuwa tayo dhab ah leh ma aan iloobi lahayn, baan u maleyneyaa.

WDN: Ma dhegaysataa heesaha Soomaalida, waa kuwee se fannaaniinta iyo abwaannada aad heesahooda xiisayso?

Dr. Kapchits: Marmar waa aan dhegeystaa. Aad baan u jeclahay Maryan Mursal ee markii iigu horreysay aan kula kulmay Moosko sannadkii 1970kii ee ay la timid kooxda ‘Waaberi’. Markii labaad waxaanu ku kulannay Denmark sannadkii hore. Isma ay beddelin!

WDN: Maxaad talo ahaan ugu soo jeedin lahayd hal-abuurka iyo guud ahaanba qorayaasha Soomaaliyeed?

Dr. Kapchits: Indheergaratada Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmi lahaa inay si habsami leh u daryeelaan filka soo koraya ee mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay.

WDN: Ugu dambaystii, ma jirtaa cid aad jeceshahay inaad halkan salaan uga soo jeediso?

Dr. Kapchits: Igu salaama saaxiibbadayda oo dhan, ayna ka mid yihiin Saciid Samatar, Cabdulqaadir Cismaan Faarax, Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’, Maxamed Maxamuud Xandule iyo Faatuma Shiikh Cali Jimcale. Dhammaan akhristeyaasha WardheerNews waxaan u rajeyneyaa barwaaqo, bashbash iyo bariis caano leh.

WDN: Aad baad u mahadsantahay.

Dr. Kapchits: Idinkaa mudan. Hadal nin badiyey ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tegin, baa la yidhi. Waxaan ku rajo weyn ahay in wareysigu aanu noqon mid aad u dheer oo daalin kara akhristeyaasha.