Wareysi aynu la yeelanay Dr. Georgi Kapchits
Waxaa lagu daabacay mareegtada WardheerNews.com, 18 Maajo 2024. Wareysigii waxaa qaaday Aadan Makiina. Qoraalku waa mid halkan loogu keenay in la kaydiyo, isagoo aan waxba laga beddelin; xuquuqda qoraalka waxaa iska leh mareegtada daabacday. Wareysiyadii hore: WardheerNews 2006 iyo dib-u-eegistii 2006.
Oraahda Wareystaha: Waxaan fursad uhelay inaan wareysto Dr. Georgi Kapchits oo ah odey ku taqasusay af Soomaaliga iyo af Amxaariga, kuna dhashay dalka Ruushka, siiba Midowgi Sofyeetigii hore. Waa faylasuf, qoraa, aftahan, wuxuuna heybad ku leeyahay ummadda Soomaaliyeed, waayo, maqaalada iyo buugaagta uu ku qoray af Soomaaliga ayaa u sabab ah in la qaddariyo. Haddaba, iga guddooma wareysigii oo dhammeystiran.
WardheerNews: Dr. Georgi Kapchits, ku soo dhowoow degelka WardheerNews oo aan filayo in aad taqaan hawlahiisa iyo waxqabadkiisa kuwaas oo kala ah soo tebinta wararka maqal iyo muuqaal, cilmi baarista, kala shaandheynta arrimaha siyaasadeed ee adduunka ka aloosan siiba Geeska Afrika iyo Afrikada dhammaanteed. Dabcan, waxaad ka mid tahay kuwa aynu ku tiirsano ee noo soo gudbiya cilmi iyo caadooyiin soo jireen ah oo lagu diirsado, kuwaas oo anfaca dad badan oo addunkan dacalladiisa kala daadsan. Sidaad ogsoon tahay, “waa maadeys adduunyadu, dadkuna way matalayaan.” Haddaba, inkastoo la doonaayo in mar uun laguugu martiqaado Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiiniya midkuu ahaadaba, halkaas oo ay ku sugan yihiin Soomaali iyo dad kale oo ku jecel, niyaddaada wanaag u sheeg una diyaar garow in arrinka aan soo sheegay markay ahaataba ay dhici dhoonto, hadduu Eebbe idmo. Mar aan kuu soo tebiyay hees uu horey u qaaday Maxamed Saleebaan Tubeec (Allaah ha u naxariistee), waxaan ku xasuusiyay heestii uu qaaday ee ahayd:
“In kasto nin geesi ah, rag u geed adeeg yahay, haddaan geesta lala qaban guri oodi maaye.” Dabcan, waad garan micnaheeda. Walow aad door weyn ka cayaartay dib u soo nooleynta af Soomaaliga hodanka ah, siiba burburkii dawladda dhexe (1991) kaddib, weli waxaan kuu arkaa in aad tahay maadaanlihii/maadiinlihii ardo badan ku tiirsan lahayd oo u dhiganta “stand on the shoulders of giants” marka lagu tarjumo afka qalaad. Rer Xamarka waxay yiraahdaan, “adduun waa lama lama” oo la micno ah “fari keliya fool ma dhaqdo” ama wadajir baa wax loo qabtaa. Haddaba, bal aan u kuur galo wareysigeenna qaaliga ah ee aanan weligay horay kaaga qaadin si gaar ah.
Dr. Georgi: Mahadsanid. Aad ayaan u qadderinayaa waxtarkii aan xadka lahayn ee aad ku kordhisey horumarinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Aad iyo aadna ayaan u jeclahay WadheerNews ee aan u haysto il nadiif ah oo laga helo warar muhim ah oo oo uusan qofna ka maarmi karin. “War iyo wax la cunaa lagu nool yahay.”
WardheerNews: Saaxiibkeyga iga weynow, goormaad dhalatay, halkeed ku dhalatay?
Dr. Georgi: Waxaan ku dhashay Midowga Soofiyeeti sannadkii 1939-kii. Inkastoo Midowga Soofiyeeti uu baaba’ay muddo dheer ka hor, haddana waxaan dareemayaa inaan weli ku nool ahay. “Dhego geel iyo dhalasho waa magguuraan”.
WardheerNews: Halkeed ku baratay af Soomaaliga?
Dr. Georgi: Waxaan af Soomaaliga ku bartay Machadka afafka Aasiya iyo Afrika ee ka tirsan Jaamacadda Moosko, kaasoo aan ka qalin jebiyey sannadkuu marku ahaa 1967-kii. Muddo dheer ayaa ka soo wareegtay waqtigii aan bilaabay barashada af Soomaaliga. Hase yeeshee waan sii baranayaa. Af Soomaaligu wuu sir badan yahay. Waxaan odhan lahaa: ‘Sir afeed iyo sir naageed lama sal gaaro.”
WardheerNews: Goormaad biloowday barashadiisa iyo maxaa u sabab ahaa?
Dr. Georgi: Arday kasta ee wax ku barta Machadkayga waxaa khasab ku ah inuu barto ugu yaraan saddex af oo ay ka mid yihiin af looga hadlo qaaradda Yurub iyo laba af oo kale oo looga hadlo Aasiya ama Afrika. Afkii Afrikaanka ee iigu horreyey wuxuu ahaa afka Xabashida ee aan baranayay muddo lix sano ah. Afkaygii labaad wuxuu noqday Af Soomaaliga. Inkastoo la yidhi “Laba qare gacani ma wada qaado”, haddana waxaa ii suurtaggashay in labadaa af ee aad u kala duwan aan wada barto.
WardheerNews: Ma dad Soomali ahaa ayaad ka baratay mise iskaaga ayaad baratay?
Dr. Georgi: Muddo yar kaddib markii aan bilaabay barashada af Soomaaliga ayaa ii muuqaatay in afkani uu yahay mergi oo kale oo hadba dhanka loo jiido u jiidma. Markaasaan is yidhi: ‘Ma waalan tahay? Afkan yaabka leh weligaa baran maysid!’ Hase yeeshee waxaa i geesinnimo geliyey saddex qof oo kala ahaa: macallinkaygii Aleksander Zholkovski ee ahaa qofkii ugu horreeyey Midowga Soofiyeeti ee bartay naxwaha af Soomaaliga, weliba Axmed Cartan Xaange iyo Shire Jaamac Axmed ee xilligaas waxbarasho u joogay Moosko, aniguna aan la saaxiibay. Inkastoo la yidi “Saaxiibkaa hadduu malab yahay, ha wada leefin”, haddana si aan xishood lahayn ayaan uga leefi jiray aqoontii aan xadka lahayn ee ay ku lahaayeen af Soomaaliga.
WardheerNews: Afaf kale oo aad baratay ma jiraan? Hadday jiraan waa kuwee?
Dr. Georgi: Waxaan ku hadlaa afka Ruushka, afka Soomaliga ee labadaba aan u haysto afafkayga hooyo, weliba afka Ingriiska iyo afka Amxarka ee aan hore u xusay. Laakiin ma aan hadal badni, maadaama la yidhi: “Af daboolan waa dehab” iyo “Af daboolan duqsi ma galo”.
WardheerNews: Buuggii ugu horreeyay ee aad qorto muxuu ahaa? Afkee ayaad ku qortay?
Dr. Georgi: Buuggii iigu horreeyey wuxuu ahaa buug ka kooban 1,000 maahmaahood Soomaaliyeed oo Moosko ka soo baxay sannadkii 1983-kii. Maahmaah kasta waxaan ku tarjumay afka Ruushka, waxaanna ku hoos qoray maahmaah Ruush ah ay isu dhigmaan. Sida la og yahay maahmaahdu waa astaan xaaladeed (a sign of a certain situation). Mar haddii ay dadyawga adduunku la kulmaan xaalado isku mid ah, ayna isku si u fekeraan, maahmaahaha ay curiyaani way isu eg yihiin. Tusaale ahaan, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Far keliya fool ma dhaqdo” intay Ooromadu tidhaahdo: “Far keliya duqsi ma qabsato”, Ruushkuna uu dhaho “Nin keli ahi dagaalyahan ma aha”.
WardheerNews: Buugaagta aad qortay ee afka Soomaaliga aad ku xarriiqday, maxay u badan yihiin? Ma gabay baa, mise sheekooyiin xariir ah, ama sheekooyin dhab ah iwm? Immisa buugaag oo afka Soomaliga ah ayaad qortay guud ahaan?
Dr. Georgi: Waxaan qoray 11 buug oo ku saabsan naxwaha, maahmaahaha iyo sheekooyinka hiddaha ah ee Soomaaliyeeed. Qaar ka mid ahi waxay ku qoran yihiin afka Ingriiska, laakiin badankoodu waxay ku kala qoran yihiin af Soomaaliga iyo afka Ruushka. 11-kaas buug waxaa ka haray laba keliya oo weli la heli karo. Waxay kala yihiin “Qaamuuska Casriga ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed/A Modern Dictionary of Somali Proverbs” (Katrineholm, Sweden. 2020) iyo “Isha Cumar ka lulata/The Knocked-out Eye of the Hyena” (Hiil Press. 2022). Buugga kowaad wuxuu ka kooban yahay 6 kun oo maahmaahood. Waxaa ka mid ah maahmaahda aan bartay markiiba aan bilaabay barashada af Soomaaliga, taasoo ah “Caqli gaalo iyo indho quraanyo midna lama arko”. Buugga labaadina wuxuu akhristeyaasha u soo jeedinayaa 172 sheeko Soomaaliyeed oo ku kala qoran af Soomaaliga iyo afka Ingriiska, sheekooyinkaasoo aan u haysto kuwo ugu qurxoon, uguna xiisaha badan suugaanta Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah sheekooyinka taxanaha ah ee ku saabsan Carraweelo, Wiil-Waal, Yoonis Tuug, Cigaal Shiidaad, Ina Sanweyne, Siyaad Dharyo Dhoobe, Huryo iyo Kabacalaf, Ina Cali Qablax iyo jiileyaal kaledba.
WardheerNews: Ma jiraan kuwo kale oo aad saaxiibo isla qorteen, Soomaali iyo dad kale haba ahaadaane?
Dr. Georgi: Way jiraan maqaallo dhowr ah oo aan aqoonyahaanno kale la qoray. Waxaa ka mid ah maqaalka la yidhaahdo “Hemingway’s Somali Proverb Confirmed” ee aan la qoray aqoonyahanka Mareykanka ee la yidhaahdo Peter Unseth. Maqaalkani wuxuu ku saabsan yahay maahmaahda Soomaaliyeed ee uu qoraagii weynaa ee Mareykanka ahaa ee la odhan jiray Ernest Hemingway ku daray sheekada uu magaca uga dhigay “The Short Happy Life of Francis Macomber”. Maahmaahdani waxay tiraahdhaa: “Saddex jeer ayuu ninka geesiga ahi libaaxa ka cabsadaa: markuu raadkiisa arko, markuu reenkiisa maqlo, markuu runtiisa la kulmo.”
WardheerNews: Niyadda ma ku haysa in saaxiibbo Soomaali ah aad isla qortaan buugaag af Soomaali ah?
Dr. Georgi: Haa, aad baan u jeclaan lahaa in aan buug la qoro saaxiib Soomaaliyeed. Waxaase nasiibdarro ah in saaxiibkaygii Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ ee aan la qorsheeyey buug ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed uu si lama filaan ah u geeryooday, Ilaahi ha u naxariisto! Hore ayaa loo yidhi: “Geel nin aan lahayn geeridii war ma leh”. Saaxiibkaygii geel kama tegin. Hase yeeshee, wuxuu ka tegay buugaag qaali ah oo la akhrisan doono, waxna laga baran doono inta af Soomaaligu uu nool yahay. Geeridii ku timid Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ qalbigayga way jebisey.
WardheerNews: Waxaa cilmi baaris lagu ogaaday in carruurta ama dadka waaweyn ee ku hadla afaf badan ay ka garasho badan yihiin kuwa hal af ku hadla. Waxaa taas daliil u ah feylasuufiyiinti Qarnigi Dhexe ee loo yaqaan afka qalaad Medieval Age in badankoodu ay ku hadli jireen afaf badan. Haddaba, ma kula talin lahayd waalidiinta Soomaalida in carruurtooda ay baraan afaf kala duwan?
Dr. Georgi: Haa, shaki ma leh. Barashada afafka ajnebiga ah aad ayuu u ballaarisaa miyirka qofka, waxayna fududeysaa siduu isu waafaajin lahaa nolosha casriga ah ee ku dhisan cilmiga iyo farsamada aan hore loo arag. Hase yeeshee afafka ajnebiga ah waxaa boqolkiiba boqol ka muhimsan afka hooyo. Hab kale oo lagu baran karfo taariikhda, dhaqanka iyo suugaanta abkii hore laga dhaxlay ma leh. Jaalle Siyaad erayo badan oo fudfudud ayaa laga maqlay intii uu Soomaaliya maamulayay. Hase yeeshee marna la illoobi maayo hadalkii uu soo jeediyey sannadkii 1972-kii munaasabadda hirgelinta farta af Soomaaliga. Markaasuu yidhi: “Afka hooyo waa lagamamaarmaan”. Af waayeel beeni kama dhalato.
WardheerNews: Waxa jirta in aad Afka iyo suugaanta Soomaalida cilmi baadhisyo badan ku samaysay, maxaad nooga sheegi kartaa waxyaalihii ku xiiso galiyay ama cajaaibta badnaa ee aad ku aragtay intii aad daraasaynaysay Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed?
Dr. Georgi: Inkastoo aan muddo dheer baarayay afka, maahmaahaha iyo sheekooyinka Soomaaliyeed, waxaan weli la yaabban ahay hodantinnimadooda iyo quruxdooda. Erayo badan oo af Soomaaligu uu ka kooban yahay macno kala duwan ayay leeyihiin. Tusaale ahaan, erayga la yiraahdo DOON. Inkastoo aad mooddo inuu caadi yahay, haddana ma aha. Waa fal micnihiisu uu yahay ‘want’, ‘desire’, ‘wish’, ‘look for’, ‘ask in marriage’ and ‘dredge’, ‘extract mud (from a well)’, waana magac micnihiisu uu yahay ‘boat’ iyo ‘animals too week to be driven to the wells’.
Maahmaahaha Soomaaliyeed kuwo ka qurxoon ma aan arag ee dhinaca dhismaha iyo macnaha haddii laga eego. Bal dhadhamiya “Saddex ma gaadhid: nin maalin ma gaadhid, ninna sannad ma gaadhid, ninna weligaaba ma gaadhid. Ninka kaa faras wanaagsan maalin ma gaadhid, ninka xoolihiisu kaa daaqsin fiicnaadaan sannad ma gaadhid, ninka kaa naag wanaagsanna weligaa ma gaadhid!”
Sheekooyinka Soomaaliyeed inkastoo badankoodu ay gaaggaban yihiin, haddana murti qoto dheer leh ayaa ka muuqaata: “Wiil baa nin u soo martiyey. Kolkuu soo martiyey wuxuu siiyey saan uu ku seexdo, mana soorin e. Kabbacdi dhurwaa ayaa yimid oo yarkii ayuu qaatay. Dadkii kale oodhami way kaceen, waxayna yiraahdeen: “Wiilkii dhurwaa baa qaatay!” Waa la orday. Ninkii aqalkiisa uu joogay ayaa ugu horreeyey. Dhurwaagii ayuu bur ku dhuftay oo wiilkii ka riday, kaddibna soo qaaday oo aqalkiisa keenay. Wuxuuna ku yiri: “Wiilkaygiyow, inkastoon ku qadiyay dhurwaagii ku qaatay haddaan kaa riday, sow macruuf kuuma aan samayn?” Wuxuu yiri: “Macruuf iima aad samayn. Waayo afkaaga ma ahe af kaleto inay wax galaan yaadan rabin. Dhurwaaga i qaatay isaguna inuu qado baad rabtay!”
Erayadii uu wiilkani yiri xuruuf dahab ah ayaan ku qori lahaa.
WardheerNews: Waxa jirta in aqoonyahanadii iyo khubaradii ku xeel dheeraa Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay in badan aysan maanta nooleyn jiilka cusubna uu aad ugu liito dhinaca Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, haddaba b) sidee ayaad u aragtaa mustaqbalka Afka iyo Suugaanta t) Maxaad se ku talin laheyd si loo dhowro loona sii horumariyo?
Dr. Georgi: Waa run in faca aan ka tirsan ahay waqtigiisu uu dhammaan rabo. Waxaa inaga tegay Bogumil Andrzejewski, Sayid Samatar, Xuseen Maxamed Aadan “Tansaaniya’, Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’, Maxamed Xaashi Dhaamac ‘Gaariye’, Shire Jaamac Axmed, Axmed Cartan Xaange, Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ iyo rag kale oo waxtar aan la soo koobi karin ku kordhiyey horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Hase yeeshee waxaa weli nool oo si guul leh u shaqaynaya Giorgio Banti, Cabdalla Cumar Mansuur, Annarita Puglielli, Mario Tosco iyo aqoontyaahanno kale oo caan ah. Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay maalin kasta ku dhashaan wiilal iyo gabdho awood u leh in ay isu beddelaan xeeldheeryaqaanno aan ka liidnayn kuwo jira. Waxayse u baahan yihiin daryeel, xannaano iyo taageero la arkaba. Mustaqbalkoodu kuma xirna oo keli ah dadaalka waalidkooda e wuxuu ku xiran yahay oo kale siduu dalkooda hooyo uu ku hormarin karo tacliinta hoose, tan dhexe iyo tan sareba. Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa! Haddiise wax laga taataabto aqoonyahaanno ajnebi ah, waxaa loo baahan yahay in Soomaaliya ay u sii ahaato dal soo-jiidasho leh.
WardheerNews: Maxaa talo iyo tusaale aad ku dhiirri gelin lahayd Soomaalida manta?
Dr. Georgi: Si aan kala go’a lahayn ayaan dadka Soomaalida u xasuusiyaa murtida ku daboolan maahmaahda leh: “Walaalo is jeceli waa xoolo badiyaan, waana xabaalo yareeyaan; walaalo is necebi waa xoolo yareeyaan, waana xabaalo badiyaan”.
WardheerNews: Saaxiibkeyga iga weynow, waad ku mahadsantahay wareysigan aad nagala qaybgashay.
Dr. Georgi: Adiga mudan. Hadal nin badiyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kama wada tegin!