Gorfayn Buug
Cabdirisaaq Baraag о «Qaamuuska Casriga ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed» (2020). без даты, осень 2020; издание в тексте не названо.
Gorfayn Buug
QAAMUUSKA CASRIGA AH ee Maahmaahyada Soomaaliyeed waxaa qoray Georgi Kapchits. Waa kuma isagu? Waxa uu ku dhashay Midawga Soofiyeeti 1939. Jaamacad la yiraahdo Lomonosov taas oo ku taal Moscow ayaa qaybteeda afafka Aasiyaanka iyo Afrikaanka wax ka bartay. Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay labo af oo uu si gaar ah ugu takhasusay. 27 gu’ (1967-1994) waxaa uu afbixiyeen ka ahaa laanta af Soomaaliga ee Raadyaha Moscow. 20 gu’ oo kale (1994-2014) waxa uu ka shaqaynayay Idaacad magaceeda la yiraahdo Codka Ruushka, isaga oo faaqide ka ahaa. Gu’gii 2000 waxaa uu difaacday buug-aqooneed ku saabsan Naxwaha afkeenna hooyo, Soomaali, waxaa uuna ku mutaystay shahaada Ph.D. Waxaa uu soo noqday bare af Soomaaliga ka dhiga jaamacadaha Moskow iyo Baarliin.
Goormaan isbaranay?
5 gu’ meelaheed ayaan wax ka qoray wax ay dad badani u yaqaannaan in ay tahay maahmaah aan anigu se goortaas u magac bixiyay. Waa ‘’Ayax tag, eel na reeb’’. Waxaa aan ogaaday in ay tahay Xig ee ayan ahayn Maahmaah. Maahmaah waxaa lagu qeexaa ‘’hadal kaydgal ah kaas gaaban oo mug wayn’’. Xig se waxaa aan ku qeexay ‘’hadal kaydgal ah kaas gaaban oo mug wayn, hase ahaato ee, la yaqaano cidda bixisay.’’
Georgi horay ayaa uu isagu maahmaah wax uga qoray. Waxaa uu ku qeexay ‘’astaan xaaladeed’’. Si uu qormadaydaas uu u faalleeyo ayaa uu qoray qormo uu u bixiyay ‘Gacan gadaal ka baqaysa geed ma goyso’. Waa maahmaah. Si wanaagsan ayaa uu u soo dhaweeyay in aan helay wax la yiraahdo ‘Xig’, taas oo aan horay loo ogayn. Qeexiddeeda waa uu igu raacay, waxaa uu se u xiray labo xeer si ay xigi u noqoto maahmaah. 1) Waa in ay faafto oo dad badani bartaan; 2) Waa in la illoobo qofkii bixiyay.
Hase ahaato ee waxaa uu diiday in ay ‘’Ayax tag, eel na reeb’’ noqoto ama tahay xig. Waxa uu ku adkaystay in aan la aqoon cidda alliftay ee aan anigu u haysto in uu yahay Cigaal Caymo. Waxaa aan ugu warceliyay qormo aan u bixiyay ‘Hubsiimo hal baa la siistaa’ taas oo aan kaga warramay idday taariikhda xigtan sare. Isaguna qormo kale oo uu bixiyay ‘Nin habari dhashay hal ma seegi waayo’! 4 qormo iyo wax ka badan 3,000 (saddex kun) oo eray ayaanu ka qornay ‘Ayax tag, eel na reeb’.
2016, Bandhig Buugeedkii Garowe, ayaanu Georgi fool- ka-fool isugu baranay. Waxaa uu ii arkay nin yar oo afkiisa ugu dadaalaya si la yaab leh; anigu na waxaa aan u arkay nin qalaad oo afkayga ugu dadaalaya si ka badan sida aan ugu dadaalayo!
Isbarashadaas cuddoonayd kaddib, bishan ayaa uu ila soo xiriiray si uu iila socodsiiyo in uu qoray buug iska dhan kaas oo Maahmaahyaha Soomaaliyeed lagu aruurshay. Waa buug laba-afle ah, Soomaali iyo Ingiriis, sida uu jecelyahay in uu u qeexo. Waxaa ku aruursan 5,000 (shan kun) oo maahmaahyood, waxaana daabacaday madbacadda Laashin. Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa dadaalka George, waxaa aanan kaydka u galinayaa in ilmaha Soomaaliyeed ay helayaan raad ay u raacaan sidii maahmaahyada looga gungaari lahaa. Weli fari ka ma qodna, waa se daris aqooneed.
W/Q: Cabdirisaaq Baraag