Faaliyihii la bilkeyday

Cabdiraxmaan Faarax «Barwaaqo» о «Faaliyihii la bilkeyday» (2006). рецензия на сомали, без даты.

Faaliyihii la bilkeyday

Gorfayntii Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’

Ammin, hadda lix gu’ laga joogo, ayaan Dr. Goorgi Kaabjitis (Georgi Kapchits) kula kulmay magaalamadaxda dalka Kanada ee Ottawa, halkaasi oo uu ku yimid martiqaad uu u fideyey Ururka Aabbayaasha Soomaaliyeed. Maalin aan aniga iyo Georgi meel ka wada hadhimaynay oo aannu ka wada sheekaysannay af Soomaaliga iyo wax-ka-qabashadiisa ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday, “Barwaaqow, waxa loo baahan yahay in dhallinta Soomaaliyeed looga tago wax dhaxalgal ah.” Waxaan u qaatay inuu Borofisarku weli ku shaqaynayo aragtidii dawladdii burburtay ee Midowgii Soofiyeeti ee odhan jirtey: af iyo addinba waan idinku garab taagannahay! Hayeeshee, markaan arkay buuggan, ladhkiisu kor ku xusanyahay, ayaan ogaaday inuu Borofisarku dhab u jeedey. Buugga kolkaad akhridana waxaad mooddaysaa inuu Goorgi rabo inuu maskaxda dadka Soomaaliyeed si dadban uga dhaqdhaqo malahaasi anigaba ihodey.

Buuggu waa laba afle. Haddii aan si qumman u idhaa, wuxu ku qoran yahay af Soomaali iyo af Ingiriisi. Kolkaad gudihiisa gasho, waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaysa maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaa: qof waliba gacantiisuu biyo kaga dhergaa,. Waayo qof kastaa, shisheeye iyo sokeeyaba, afka uu yaqaan buu kaga boganayaa murtida iyo maaweelada ka buuxda sheekaxariirooyinka Soomaaliyeed ee buugga lagu soo ururiyey.

Buuggan ka hor sheeko-hiddeedda Soomaaliyeed ma lahayn baadisooc. Waxaanay ahaayeen wax filiqsan oo aan dirsooc loo yeelin. Waxase la yaab leh, sida uu qoruhu, isaga oo adeegsanaya aqoontiisa iyo xeeldheeridiisa afeed uu, sheeka-xariirooyinkii Soomaaliyeed ugu kala asooray shan qaybood. Kuwaasi oo kala ah:

Sheekooyin mala awaal ah (oo ka kooban 7 sheeko)

Sheekooyinka xayawaanka (oo ka kooban 17 sheeko)

Sheekooyin mala-abuur ah (oo ka kooban 16 sheeko) iyo Sheekooyin murtiyeed (oo ka kooban 75 sheeko).

Qaybta hore waxay ku bilaabanaysaa sheekada yaabka badan ee ka mudhbaxday sheekooyinka oo dhan ladhka buugguna ku salaysan yahay. Waa sheekada la magac baxday “Faaliyihii la bilkeyday”. Dad badan baa, runtii, I soo weyddiiyey ujeeddada iyo waxa looga jeedo ‘bilkeydi’. Waxaana hubaal ah haddii aan buuggan ladh looga dhigin inuu ereygaasi ka mid noqon lahaa kuwii hore u tasoobey. Halkii ereygaa waxa galay midka Carabiga ah ee “tijaabi”. Ujeeddada ladhku waa “Faaliyihii la tijaabiyey”. Waa sheeko ma-dhaafaan ah oo aad u murti badan oo mudan in qof kastaa akhristo oo ay waaya-aragnimo xoog lihi kaaga kordheyso.

Qaybta labaad wuxuu qoruhu ku magacaabay sheekooyinka ‘xayawaanka’. Waxaad kala kulmaysaa sheekooyin aad u xiise badan oo kaa qoslinayaa iyo badh aad murtida ka dambaysa la amakaagayso. Waxaa, runtii, tilmaan gaar ah mudan sheekada “Isha Cumar ka lulata” dadka qaarna u yaqaan “Isha Cali ka laallaadda”. Waa sheekadii uu Xuseen Dhiqle ku saleeyey maansadiisa caanka ah ee qayb libaax kolkii uu boqorkii Oroomada ee ay u magan galeen ku qulquladeeyey hablihii iyo haweenka Ina Cabdalla Xasan ee ku bilaabanta:

Qayaashmaash Libaax baa dhurwaa Qaybi yidhi soore

Wuxu yidhi hilbaa qaar bal qabo qoon dhan baan nahaye

Markaasuu qabbaabaalihi qoonsadoo dilaye

Dhirbaaxuu il kaga qaaday uu hoor ka soo qubaye

Af qashuushle koortuu go’uu sii qataabsadaye

Dacawuu markaas soo qabsaday sida qisaaseede

Wuxu yidhi, “ qanjaafila xuneey tali qaddaarkaaga.”

Adeer gacalle qaar iyo daloo,l qaaxo iyo feedho

Qummud iyo baruur iyo leg iyo qawdhihii kuruska

Kuu wada qorsheeyee Islow neefka wada qaado

Markaasaa wixii qaday qabsaday qoobab kadafleye

Wax la yidhi, qabiil male dayooy qayliyaha aare

Innagoo quruun dhana maxaa qado innoo waayey?

Qacdii hore haddaan deyey kobtii weerku sii qulushay

Badh baa kuu qisma ah waa wuxuu eeday qaaryare e

Aniguna qudhaasaan ahoo lay qulquladeeye

Duqii inoo qabweynaa waa qooq wax loo dilaye

Qaddarkii Ilaah iyo Rabbaan quud ka sugayaaye

Anigaan qudraba hayn miyaan qabax ka soo waaqsan?

Qudhaydaan u yaabaye miyaan idin qasaareeyey?

Anna qayb libaax weeye taad igu qasbaysaane

Dadka igu qoslaayiyo kobtaan ka qalbi diidaayo

Qadayeey adduunyo uma socon wad i qaxarteene

Qadankii dariiqiyo haddaan qadimadii waayey

Labadii qofee nagaga hadhay qaafadii dumarka

Tii quruda roonayd hadday Cali la qooqayso

Qudhoo keliya baa nagu hadhee qalabku noo yiille

Tanna qata Naadaba rag bay qaac u shidataaye

Madaddaalada ka sokow, waxaa sheekadaasi ka muuqata sida afku hodanka u yahay ee dhanka ereybixinta looga taransan karo. Habka ay dayo wax u qaybisay haddaan dhuganno waxaan ka heleynaa ereyo badan oo dhanka xisaabta loo adeegsan karo sida : badh, waax, falladh, rimic, iyo miil. Ereyadaasi oo dhanka xisaabta noqonaya 1/2, 1/4, 1/8, 1/16, iyo 1/32. Waxaana hubaal ah in dad badani moog yihiin inay dadka Soomaaliyeed yaqaanneen qiyaasahaasi.

Sheekooyinka qaybta saddexaad wuxuu qoruhu ku tilmaamay inay yihiin qaar mala-abuur ah. Waxaana innagaga filan midda odhanaysa “Ina rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa!” Waa dardaaran maanka fayow wax ku kordhinaysa. Nin kasta oo is bidaana waa guddoonka uu ku dambaynayo kolka uu gunta soo taabo. Waa cashar ku habboon dagaal oogayaasha ka amar ku taagleeya Soomaaliya kuwaasi oo ay maskaxdoodu siin kari la’dahay in waxa Wiil-waal ammin yar gudahood ku gartay ay ayagu ku garan la’yihiin in ka badan labaatan gu’.

Qaybta afraad waa qaybta ugu badan. Waana qaybta uu qoruhu sheekooyinkeeda ku tilmaamay inay yihiin ‘sheekooyin murtiyeed’. Runtii, murtida sheekooyinkaa ku duugan halkan lagagama bogan karo. Hayeeshee, bal laba ka mid ah aan wax ka tilmaamo. Sheekada la yidhaa: Gari Ilaah bay taqaan, waa sheeko tilmaamaysa caddaalad wanaagsanida iyo eexola’aanta. Waa ta hadda dhulalka Soomaalidu ku nooshahay laga la’yahay. Waa midda loo basaasay ee quusta hadda lagaga jiro. Ninka uu Ina Sanweyne garta ku qaadayaa waa soddoggii oo isku hallaynaayey inuu isaga garta u guddoonsho. Waxaanu si badheedh ah ugu yidhi, “Waar ninyahaw, gari seeddi mataqaan, oo soddog ma taqaan oo saaxiib ma taqaane gari Ilaah bay taqaan ee hasha ninkaa kale ayaa leh!”

“Faaliyihii la bilkeydey” waa buug ay carruur iyo cirroolaba wada wadaagayaan, soona noolaynaya xidhiidhkii ka dhexayn jiray waayeelka iyo dhallaanka. Markaan anigu la dhacsanaa sheekooyinka Geeddi Khiyaano iyo Faaliyihii la bilkeydey, carruurtayda qaar ka mid ihi waxay ka mabsuudeen oo ay dhowr casho ku qoslayeen sheekada ‘The Crocodile’s Tongue’ (Carrabkii Yaxaas). Waxay aad ugu qosleen sida ay dayo u dhagartay Yaxaaskii ee uu isaga garan waayey, carrabkiisiina ay iyadu ilaa hadda ugu mashxaraddo.

Haddii aad tahay laba-af-yaqaan waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaysa aragtida tidhaa “Something is lost in the translation”. Kolka aad isu foodiso sheekooyinka af Soomaaliga ku qoran iyo kuwa loo hal-tebiyey ee af Ingiriiska ku qoran waxaad dareemaysaa inuu qoruhu arrintaa maanka ku hayey oo doonayey inuu aragtidaa buriyo. Waxaana, runtii, kuu muuqanaysa sida aanay murtidii sheekooyinkaasi waxba uga lumin ee ay dadka af Iniriiska yaqaannaa u jeclaysanayaan.

Ugu dambayntii, waxaan Dr. Goorgi ku hambalyeynayaa hawshan yaabka leh ee uu soo bandhigay. Waxana hubaal ah, oo marag ma doon ah, inuu dhallaanka Soomaaliyeed u dhiteeyey hawl dhaxalgal oo aan weligeed duugoobayn. Waa buug mudan abaal marin, loona baahan yahay in lagu daro buugaagta dugsiyada lagu dhigo.